DAL-KUJOOGA

BIXINTA DAL-KUJOOGA

Dal-kujoogga wuxuu noqon karaa 1 Sano, 6 bilood, 3 bilood iyo 1 bil hadii xaalad gaar ahi jirto qofka Ajnabiga ah ee dalbanaya dal-kujoogga waxaa waajib ah in uu soo buuxiyo qodobada iyo shuruudaha ku cad sababta uu u joogo dalka:

A. Shaqaalaha Ajnabiga: shaqaalaha caadiga ah ee ka shaqeysta shirkadaha iyo hay’ adaha gaarka loo leeyahay waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda:

  1. Codsiga hay’adda ama loo shaqeeyaha uu u shaqeeyo oo qoraal ah ayna ku caddahay xogta ajnabiga, sababta, damaanadda amniga, nolosha iyo deegaanka.
  2. Baasaboor dhicintaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
  3. Warqadda hishiiska shaqada oo leh ansixinta wasaaradada shaqada (contract)
  4. Ogolaanshiyaha shaqada ee Wasaaradda Shaqada (Work permit)
  5. Sawir teesare ah (2-xabo)
  6. Caddeynta aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka
  7. Warqada caafimaadka

B. Ganacsadaha Ajnabiga ah: Ajnabiga ganacsiga ku leh dalka waxaa laga doonayaa shuruudaha iyo qodobada hoos ku xusan:

  1. Visa ama dal-kujoog aan dhacsaneyn
  2. Codsiga dal-kujooga oo qoraal ah ayna ku caddahay xogta shaqsiga iyo damaanadda.
  3. Ruqsadda ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga (Business Permit)
  4. Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
  5. Sawir teesare ah (2-xabo)
  6. Warbixinta ganacsiga (Business Profile)
  7. Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (Academic/ skills certificate) haddii uu leeyahay.
  8. Warqadda Caafimaadka ama bedqabka qofka

C. Ajaanibta u shaqeysa hayadaha Dowladda: Dadka Ajnabiga ah ee u shaqeeya Hay’addaha Dowladda waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda:

  1. Codsiga dal-kujoogga oo qoraal ah (hay’ ada uu u shaqeeyo) oo ay ku caddahay xogta shaqsiga iyo damaanadda.
  2. Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
  3. Warqadda heshiiska shaqada (contract)
  4. Sawir teesare ah (2-xabo)
  5. Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (Academic/ skills certificate) haddi uu leeyahay
  6. ID-ga hay’ ada dowlada ee uu u shaqeeyo.
  7. Warqada Caafimaadka
  8. Qodobada sare ku xusan haddi ay wax ka dhiman yihiin waxaa looga dhaafi karaa ogolaanshiyaha Agaasimaha Guud.

D. Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Urur Goboleedyada: shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa urur goboleedyada waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumintiyada soo socda:

  1. Warqadda oggolaanshiyaha siinta dal-kujooga ee Wasaarada Arrimaha Dibada
  2. Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
  3. Aqoonsiga shaqada
  4. Sawir teesare ah (2-xabo)

E. Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradaha: diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaaradaha ajinabiga waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumeentiyada soo socda:

  1. Warqadda oggolaanshiyaha siinta dal-kujoogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibada
  2. Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
  3. Aqoonsiga diblumaasiga (Wasaaradda Arrimaha Dibada) haddii uu jiro.
  4. Sawir teesare ah (2-xabo)

 F. Qaxootiga: Dadka qaxootinimada ku jooga dalka waxaa laga rabaa in ay la yimaadaan dukumentiyada hoos ku xusan:

  1. Warqada diwaangelinta Qaxootinimada ee HSJ.
  2. Caddeynta diwaan-gelinta Hay adda Qaxootiga Qaranka
  3. Kaarka Hay’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR)
  4. Baasaboor ama dukuminti u dhigma oo dhicidiisa ay ka dhiman tahay ugu yaraan hal sano ( hadii uu heysto)
  5. Sawir teesare ah (2-xabo)

Shuruudaha Ogolaanshiyaha Dal-ku-jooga.

  1. In dukumintigisa safarka yahay mid sax ah, isla markaana dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano.
  2. In uu dhameystiro warqadaha yo shuruudaha kale ee lagama maar-maanka u ah
  3. aqbalidda codsiga
  4. In uu dalka sharci ku joogay
  5. In uusan ku jirin liisaska kala duwan ee dadka la doonaayo
  6. Inuusan dalka hore dembi uga gelin
  7. In aan qalad uu galay awgeed dalka hore looga saarin
  8. Inuu yahay qof aan laga shakisaneyn isla markaana lagu aqoonin denbiyada sida argagixisada, ka ganacsiga Maandooriyaha, ganacsiyada sharci darada ah, tahriibinta, I.W.M.
  9. In uusan jirin amar maxkmadeed ama siyaasad dowladeed oo khuseeya shaqsiga codsiga ku xusan.
  10. In codsadaha iyo martigeliyihiisaba ay yihiin kuwo ilaaliyay sharciyada dalka, isla markaana aan lagu heysan musuq iyo canshuur aan la bixin.
  11. In marti-geliyihiisu uusan laheyn astaamaha kor ku xusan.
  12. In marti-geliyuhu leeyahay awood uu ku damaanad qaadi karo amniganolosha iyo hoygiisa.

 Shuruudaha ka dhaafida khidmada dadka mudnaanta leh (Gratis)

Khidmada oggolaashaha dal-ku-jooga waxaa laga dhaafay sida uu tilmaamay Sharciga Socdaalka qodobkiisa 28-aad dadka soo socda:

  1. Ajnabiga u yimaada dalka howl diblomaasiyadeed marka ay kusoo galaan sifo sharci ah, isla markaana ay ogolaato Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda JFS.
  2. Ajinabiga heshiis toos ah kula jooga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada oo loo igmaday qabashada shaqo muhiim u ah dalka.
  3. Shaqaalaha rasmiga ah ee Qaramada Midoobay (UN) ee haysta dukumintiga safar ee Qaramada Midoobay,
  4. lyo Cid kasta 0o Agaasimaha Guud u ogolaado in laga dhaafo Khidmadda Dal-ku-jooga (Gratis) iyo ganaaxyada mudo dhaafka ah sida ku cad Xeer-nidaamiyaha HSJ godobka 16-aad, isaga oo tixgelinaya duruufo gaar ah.

Dadka laga dhaafaayo Work Permit ka:

  1. Waxaa laga dhaafayaa Work Permit-ka qof kasta oo la siiyo gratis
  2. Dadka Soomaalida ah ee heysta baasaboorada ajnabiga (Somali Foreign)
  3. Caruurta iyo xaaska ku qaadanaya dal-ku-jooga waalidkood ama xaas ahaan (family visa)
  4. Qofka qaadanaya 1 bil dal-ku-joog (1 Month Extension)

Nagala Soco

Aden Abdulle international Airport, Mogadishu, Somalia

Whatsapp: +252614465000

Wac Lambarka Gaaban : 2000

Email: info@immigration.gov.so

XIRIIRADDA MUHIIM KA AH

MACLUUMAAD DHEERAAD AH

  info@immigration.gov.so / 2024  - Immigration and Citizenship Agency of Somalia