Saraakiil ka tirsan Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo qaatay tababar sare ee xaqiijinta dukumeentiga safarka

Nairobi, Kenya – Nov 24, 2023

Saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu qeybgalay tababar socday muddo saddex maalmood ah, kaasi oo ku saabsanaa hubinta dukumentiyada been abuurka ah ee socdaalka.

Khubaro u dhashay dalka Iswiisarlaan oo ku takhasusay xaqiijinta dukumentiyada iyo sax ahaanshohooda, ayaa bixinayay tababarkan kaas oo ay ku jireen casharro baraatiko ah.

Saraakiisha HSJ ayaa ka kororsaday sida loo tijaabiyo loona kala saaro; tayada iyo sifooyinka baasaboorda saxda ah iyo kuwa been abuurka ah, fiisaha, iyo kaararka aqoonsiga.

Bareyaasha Aqoon kororsigaan ayaa waxa ay adeegsadeen habab iyo teknooloji casri ah si ay u muujiyaan farsamooyinka lagu ogaado dukumeentiga, iyagoo la wadaagay ka qaybgalayaasha khibrad iyo waayo- aragnimo ku aadan arrintaan.

Gebagebadii tababarka ayaa waxa ka soo qeyb galay La-taliye sare, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaala ee HSJ, iyo Saraakiil ka socotay safaaeadda Iswiisarlaan.
Ilaalinta nidaamka socdaalka iyo nabadgalyada ayaa ah mudnaanta koowaad ee hoggaanka cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Previous Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo qabatay wadatashi sharciyada socdaalka iyo jinsiyadda.

Nagala Soco

Aden Abdulle international Airport, Mogadishu, Somalia

Whatsapp: +252614465000

Wac Lambarka Gaaban : 2000

Email: info@immigration.gov.so

XIRIIRADDA MUHIIM KA AH

MACLUUMAAD DHEERAAD AH

  info@immigration.gov.so / 2024  - Immigration and Citizenship Agency of Somalia