HSJ ayaa dib u habeyn ku sameesay Kaabayaasha Socdaalka ee Qaybta Degista Duullimaadyada Caalamiga ah.

[Janaayo 31, 2024]

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxa ay daah-furtay dib u habaynta Qaybta dagista duullimaadyadda caalamiga ah ee Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Dadaallada ballaarinta ayaa imaanaya iyadoo laga jawaabayo kororka weyn ee duullimaadyada caalamiga ah iyo rakaabka imaanaya Soomaaliya. Tas-hiilaadka la cusboonaysiiyay waxay ujeedadoodu tahay in la wanaajiyo hufnaanta iyo waxtarka adeegga socdaalka.

Sannadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxa kusoo badanayay safarro caalami ah, taas oo ay horseed ka tahay kobaca dhaqaalaha, xaaladaha ammaanka oo soo hagaagay, iyo kor u kaca isku xidhka. Sidaas awgeed, adeegga socdaalka ee jiray waxa soowajahay cadaadis isa soo taraya, taasoo qasabtay in dib u habeyn ballaaran ah lagu sameeyo kaabayaasha si loo daboolo baahida socdaalka ee sii kordhaysa.

Kaabayaasha dagista caalamiga ah ee dib loo habeeyay waxaa ka mid ah horumarino kala duwan oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo adeegga socdaalka iyo sare qaadis lagu sameeyay guud ahaan khibrada saraakiisha socdaalka. Dhinacyadda ugu muhiimsan ee dib u habaynta waxaa ka mid ah:

  1. Ballaadhinta koontaradda Socdaalka: HSJ waxa ay samaysay balaadhin la taaban karo oo ay ku samaysay koontaradda socdaalka si ay u daboolaan qulqulka badan ee socotada ah isku marka imaadda. Ballaarintani waxa ay hubinaysaa in saraakiisha socdaalka ay haystaan meel ku filan iyo agab oo ay si hufan ugu hawl galaan, si ay u yareeyaan wakhtiga sugitaanka iyo ciriiriga.
  2. Horumarinta Xirfadda Saraakiisha Socdaalka: Iyadoo la ogyahay baahida shaqaale xirfad sare leh, HSJ waxa ay maalgashi la taaban karo ku samaysay barnaamijyo tababar oo dhamaystiran oo loogu talagalay saraakiisha socdaalka.

Barnaamijyadani waxa ay saraakiisha ku qalabeeyaan aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah inay si wax ku ool ah u maareeyaan tirada korodhay ee rakaabka. Saraakiisha sida wanaagsan u tababaran waxa ay gacan ka geystaan fududaynta shaqada waxayna xaqiijiyaan u hoggaansanaanta heerarka socdaalka ee caalamiga ah.

Kaabayaasha degista caalamiga ah ee dib loo habeeyay waxa ay faa’iidooyin badan u hayaan socotada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed labadaba. Dadka socotada ah, tas-hiilaadka la cusboonaysiiyay waxa ay si weyn u yareeyaan waqtiyada sugitaanka, waxay fududeeyaan adeegga socdaalka, waxayna sare u qaadaan guud ahaan waayo-aragnimada safarka.

Intaa waxaa dheer, kaabayaasha la hagaajiyay waxay la jaan qaadayaan halbeegyada caalamiga ah, taasoo xoojinaysa sumcadda Soomaaliya oo ah meel soo jiidasho leh oo loogu talagalay safarrada caalamiga ah.

Dadaalkan casriyeyntu waxa uu taageerayaa ujeedooyinka dhaqaale ee ballaaran ee Soomaaliya. Iyada oo si hufan u qaabaynaysa kororka duullimaadyada caalamiga ah iyo rakaabka, kaabayaasha dib-u-habaynta ayaa kobciya fursadaha ganacsi ee kordhay waxaa ayna kor u qaadaan dalxiiska. Waayo-aragnimada safarka ee booqdayaasha waxay u horseedi kartaa booqashooyin soo noqnoqda oo saameyn togan oo la taaban karo ku yeesha dhaqaalaha dalka ah.

Previous Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada soomaaliya oo kulan laqaatay Safiirka JFS ee dalka Kenya

Nagala Soco

Aden Abdulle international Airport, Mogadishu, Somalia

Whatsapp: +252614465000

Wac Lambarka Gaaban : 2000

Email: info@immigration.gov.so

XIRIIRADDA MUHIIM KA AH

MACLUUMAAD DHEERAAD AH

  info@immigration.gov.so / 2024  - Immigration and Citizenship Agency of Somalia