Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Boqortooyada UK kala hadashay aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya

[Febraayo 23, 2024]

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Axmed Siciid Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo muhiim ah la qaatay masuuliyiin metelayay; Wasaaradda Arrimaha GudahaWasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xafiiska baasaboorka ee dalka UK.

Ujeedada safarka wafdiga ayaa ahaa in la xoojiyo xirriirka HSJ Soomaaliyeed iyo hay’adaha dhiggeeda ah ee waddanka UK, iyo in sidoo kale wadashaqeyn buuxda oo toos ah ay ha’adahaasu la yeeshaan HSJ, gaar ahaan dhinacayada arrimaha socdaalka iyo horumarinta.

Labadda dhinac ayaa wadahaladooda diiradda ku saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya, iyo kaalinta Dowladda UK ka ciyaari karto kobcinta xirfadda hey’adaha dowladda gaar ahaan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Dhinacayada ayaa isla qaatay in UK dedejiso aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya, iyada oo marka hore lagu bilaabayo baasaboorka Diblomaasiga. Si loo dardargeliyo qodobbada looga hadlay kulankan ayaa dhinacyadu isla garteen in muddo laba bilood guduhood ah ay ku kulmaan Soomaaliya si qiimeyn loogu sameeyo hannaanka iyo howlaha la xirriira baasaboorka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah,  si sare loogu qaado awooddo baasaboorka Soomaaliya.

Previous HSJ ayaa qabatay kulan looga tashanayay Istiraatiijiyadda hormarinta adeegyada HSJ 5-ta sanoo ee soo socota

Nagala Soco

Aden Abdulle international Airport, Mogadishu, Somalia

Whatsapp: +252614465000

Wac Lambarka Gaaban : 2000

Email: info@immigration.gov.so

XIRIIRADDA MUHIIM KA AH

MACLUUMAAD DHEERAAD AH

  info@immigration.gov.so / 2024  - Immigration and Citizenship Agency of Somalia