
BIXINTA DAL-KUJOOGA
Dal-kujoogga wuxuu noqon karaa 1 Sano, 6 bilood, 3 bilood iyo 1 bil hadii xaalad gaar ahi jirto qofka Ajnabiga ah ee dalbanaya dal-kujoogga waxaa waajib ah in uu soo buuxiyo qodobada iyo shuruudaha ku cad sababta uu u joogo dalka:
A. Shaqaalaha Ajnabiga: shaqaalaha caadiga ah ee ka shaqeysta shirkadaha iyo hay’ adaha gaarka loo leeyahay waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda:
- Codsiga hay’adda ama loo shaqeeyaha uu u shaqeeyo oo qoraal ah ayna ku caddahay xogta ajnabiga, sababta, damaanadda amniga, nolosha iyo deegaanka.
- Baasaboor dhicintaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
- Warqadda hishiiska shaqada oo leh ansixinta wasaaradada shaqada (contract)
- Ogolaanshiyaha shaqada ee Wasaaradda Shaqada (Work permit)
- Labo sawir oo teesare ah
- Caddeynta aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka
- Warqada caafimaadka
B. Ganacsadaha Ajnabiga ah: Ajnabiga ganacsiga ku leh dalka waxaa laga doonayaa shuruudaha iyo qodobada hoos ku xusan:
- Visa ama dal-kujoog aan dhacsaneyn
- Codsiga dal-kujooga oo qoraal ah ayna ku caddahay xogta shaqsiga iyo damaanadda.
- Ruqsadda ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga (Business Permit)
- Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
- Laba sawir oo teesare ah
- Warbixinta ganacsiga (Business Profile)
- Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (Academic/ skills certificate) haddii uu leeyahay.
- Warqadda Caafimaadka ama bedqabka qofka
C. Ajaanibta u shaqeysa hayadaha Dowladda: Dadka Ajnabiga ah ee u shaqeeya Hay’addaha Dowladda waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda:
- Codsiga dal-kujoogga oo qoraal ah (hay’ ada uu u shaqeeyo) oo ay ku caddahay xogta shaqsiga iyo damaanadda.
- Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (lyear)
- Warqadda heshiiska shaqada (contract)
- Laba sawir oo teesare ah
- Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (Academic/ skills certificate) haddi uu leeyahay
- ID-ga hay’ ada dowlada ee uu u shaqeeyo.
- Warqada Caafimaadka
- Qodobada sare ku xusan haddi ay wax ka dhiman yihiin waxaa looga dhaafi karaa ogolaanshiyaha Agaasimaha Guud.
D. Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Urur Goboleedyada: shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa urur goboleedyada waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumintiyada soo socda:
- Warqadda oggolaanshiyaha siinta dal-kujooga ee Wasaarada Arrimaha Dibada
- Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (lyear)
- Aqoonsiga shaqada
- Laba sawir oo teesare ah
E. Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradaha: diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaaradaha ajinabiga waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumeentiyada soo socda:
- Warqadda oggolaanshiyaha siinta dal-kujoogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibada
- Baasaboor dhicitaankiisa ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (l year)
- Aqoonsiga diblumaasiga (Wasaaradda Arrimaha Dibada) haddii uu jiro.
- Laba sawir oo teesare ah
F. Qaxootiga: Dadka qaxootinimada ku jooga dalka waxaa laga rabaa in ay la yimaadaan dukumentiyada hoos ku xusan:
- Warqada diwaangelinta Qaxootinimada ee HSJ.
- Caddeynta diwaan-gelinta Hay adda Qaxootiga Qaranka
- Kaarka Hay’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR)
- Baasaboor ama dukuminti u dhigma oo dhicidiisa ay ka dhiman tahay ugu yaraan hal sano ( hadii uu heysto)
- Sawir teesare ah (2xabo)
Shuruudaha Ogolaanshiyaha Dal-ku-jooga.
- In dukumintigisa safarka yahay mid sax ah, isla markaana dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano.
- In uu dhameystiro warqadaha yo shuruudaha kale ee lagama maar-maanka u ah
- aqbalidda codsiga
- In uu dalka sharci ku joogay
- In uusan ku jirin liisaska kala duwan ee dadka la doonaayo
- Inuusan dalka hore dembi uga gelin
- In aan qalad uu galay awgeed dalka hore looga saarin
- Inuu yahay qof aan laga shakisaneyn isla markaana lagu aqoonin denbiyada sida argagixisada, ka ganacsiga Maandooriyaha, ganacsiyada sharci darada ah, tahriibinta, I.W.M.
- In uusan jirin amar maxkmadeed ama siyaasad dowladeed oo khuseeya shaqsiga codsiga ku xusan.
- In codsadaha iyo martigeliyihiisaba ay yihiin kuwo ilaaliyay sharciyada dalka, isla markaana aan lagu heysan musuq iyo canshuur aan la bixin.
- In marti-geliyihiisu uusan laheyn astaamaha kor ku xusan.
- In marti-geliyuhu leeyahay awood uu ku damaanad qaadi karo amniga, nolosha iyo hoygiisa.
Shuruudaha ka dhaafida khidmada dadka mudnaanta leh (Gratis)
Khidmada oggolaashaha dal-ku-jooga waxaa laga dhaafay sida uu tilmaamay Sharciga Socdaalka qodobkiisa 28-aad dadka soo socda:
- Ajnabiga u yimaada dalka howl diblomaasiyadeed marka ay kusoo galaan sifo sharci ah, isla markaana ay ogolaato Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda JFS.
- Ajinabiga heshiis toos ah kula jooga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada oo loo igmaday qabashada shaqo muhiim u ah dalka.
- Shaqaalaha rasmiga ah ee Qaramada Midoobay (UN) ee haysta dukumintiga safar ee Qaramada Midoobay,
- lyo Cid kasta 0o Agaasimaha Guud u ogolaado in laga dhaafo Khidmadda Dal-ku-jooga (Gratis) iyo ganaaxyada mudo dhaafka ah sida ku cad Xeer-nidaamiyaha HSJ godobka 16-aad, isaga oo tixgelinaya duruufo gaar ah.
Dadka laga dhaafaayo Work Permit ka:
- Waxaa laga dhaafayaa Work Permit-ka qof kasta oo la siiyo gratis
- Dadka Soomaalida ah ee heysta baasaboorada ajnabiga (Somali Foreign)
- Caruurta iyo xaaska ku qaadanaya dal-ku-jooga waalidkood ama xaas ahaan (family visa)
- Qofka qaadanaya 1 bil dal-ku-joog (1 Month Extension)