Bixinta Dal-ku-galka

Bixinta Ogolaanshaha Dal-ku-galka

Ogolaanshaha Dal-ku-galka waa warqad rasmi ah oo kasoo baxeysa xaafiiska bixinta dal-kugalka ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo loogu ogolaanayo dal-kugalka qofka dalbaday ama loo dalbay inuu dalka soo gali karo, islamarkaana dal-kugalka rasmiga ah uu ka qaadanayo bar-xaduudeedka (Garoomada, Dekadaha iyo bar-xadeedka dhulka) ugu horeysa ee uu dalka kasoo galo

Shuruudaha laga Doonayo Shirkadaha/Hay’adaha Doonaya iney Dalka Keenaan Ajaanib

  1. Isdiiwaangelin
    1. Macluumaadka ama Profile-ka shirkada/Hay’adda
    2. Shahaadada diiwaan galinta ee shirkadda/Hay’adda
    3. Shatiga shirkada/hay’adda
  2. Warqad codsi ah oo lagu dalbanayo dal-ku-gal, oo ay ku qoran tahay dhamaan xogta qofka imaanaaya, sababta imaashiyaha,iyo muddada joogista, lehna astaan iyo shaabad sharci ah
  3. Warqadda caddeynta dammaanadda (Amnigiisa, Deegaankiisa iyo Noloshiisa)

Shuruudaha laga Doonayo Hay’adaha Dowladda ee Doonaya iney Dalka Keenaan Ajaanib

  1. Codsi rasmi ah oo leh saxiix iyo shaabad sharci ah, islamarkaana caddeynaya magaca shaqsiga, numberka baasaboorka, dhalashadiisa, dalka uu ka imaanayo, sababta, mudada joogista iyo waqtiga imaanshaha.
  2. Magaca iyo xariirka qofka sida gaarka ah loogala xariirayo haddii loo baahdo faahfaahin dheeri ah.

Shuruudaha laga Doonayo Dublamaansiyiinta Dalka Imaanaya

  1. Warqadda ogolaanshiyaha wassaaradda Arimaha dibadda oo rasmi ah, ayna ku caddahey magaca shaqsiga, lamberka baasaboorka, dhalashadiisa, dalka uu ka imaanayo, sababta, mudada joogista iyo waqtiga imaanshiyaha
  2. Magaca iyo xariirka qofka lagala xariirayo haddi loo baahdo faahfaahin dheeri ah

Shuruudaha laga Doonayo Muwaadinka Ajnabi Ku-martigelinaya Dalka

  1. CV-giisa oo ka kooban xogta saxda ah (Marti-geliyaha)
  2. Warqad codsi dal-ku-gal oo ay ku xusantahey xogta ajnabiga (Lambarka baasaboorka, jinsiyadda, halka uu ka imaanayo), sababta, mudada joogista, caddeynta damaanadda (amnigiisa, deegaankiisa, iyo noloshiisa) oo saxiixan
  3. Koobiga baasaboorka marti-geliyaha
  4. Koobiga aqoonsiga shaqo ee marti-geliyaha.

Shuruudaha laga Doonayo Ajnabiga Dalka Imaanaaya

  1. Koobiga Baasaboor sax ah oo Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay una harsantahay ugu yaraan mudo lixbilood ah
  2. Labo sawir oo teesare ah
  3. Kaarka aqoonsiga shaqsiga (National ID) haddii uu leeyahey
  4. Koobi ama nuqul warqadda ogolaanshaha dal-ku-galka (Marka uu yimaado xadka)

Shuruudaha Ogolaashiyaha Dal-kugalka

  1. In Dukumentigiisa safarku yahey mid sax ah, isla markaana Dhicitaankiisu ay ka dhimatahey ugu yaraan lixbilood
  2. In uu dhammeystiro warqadaha iyo waxyaabaha kale ee lagama maar-maanka u ah aqbalidda codsiga
  3. In uusan ku jirin liisaska kala duwan ee dadka la doonayo
  4. Inuusan dalka hore danbi uga gelin
  5. In aan qalad uu galey awgeed dalka hore looga tarxiilin
  6. Inuu yahey qof aan laga shakisaneyn isla markaana lagu aqoonin danbiyada sida argagixisada, ka ganacsiga daroogada, ganacsiyada sharci darada ah, tahriibinta, iwm
  7. In uusan jirin amar maxkamadeed oo khuseeya shaqsiga codsiga ku xusan
  8. In marti-geliyihiisu uusan laheyn astaamaha kor ku xusan
  9. In marti-geliyuhu leeyahey awood uu ku damaanad-qaadi karo amniga, nolosha iyo hooygiis

Bixinta Dal-kujoogga

Qofka ajnabiga ah ee dalbanaya dal-kujoogga waxaa waajib ah in uu soo buuxiyo qodobada iyo shuruudaha ku cad sababta uu u joogo Dalka

A) Shuruudaha Ogolaanshiyaha Dal-kujoogga: Shaqaalaha caadiga ah eeka shaqeysta shirkadaha iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahey waxaa laga doonayaa iney la yimaadaan dukumeentiyada soo socda

  1. Codsiga Hay’adda ama loo-shaqeeyaha uu u shaqeeyo oo qoraal ah ayna ku caddahey xogta ajnabiga, sababta, dammaanadda amniga iyo noloshiisa;
  2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano
  3. Waraqadda Heshiiska shaqada oo leh ansixinta Wasaaradda Shaqada (Contract)
  4. Ogolaanshiyaha shaqada ee wasaaradda shaqada (Work Permit)
  5. Labo sawir oo teesare ah
  6. Caddeynta aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka
  7. Taariikh nololeedka qofka (CV)
  8. Aqoonsiga shaqsiga ( National ID ) hadii uu leeyahay
  9. Cadeynta bad-qabka caafimaadka

B) Ganacsadaha Ajnabiga ah: Ajnabiga ganacsiga ku leh dalka waxaa laga doonayaa shuruudaha iyo qodobada hoos ku xusan

  1. Codsiga dal-joogga oo qoraal ah ayna ku caddahey xogta shaqsiga iyo dammaanadda
  2. Ruqsadda ganacsiga ee wasaaradda Ganacsiga (Business Permit)
  3. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano
  4. Labo sawir oo teesare ah
  5. Warbixinta Ganacsiga (Business Profile)
  6. Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (Academic/skills certificate)
  7. Taariikh nololeedka shaqsiga (CV)
  8. Aqoonsiga shaqsiga (Natonal ID) hadii uu leeyahay
  9. Cadeynta bad-qabka caafimaadka.

C) Ajaanibta u Shaqeeya Dowladda: Dadka ajnabiga ah ee u shaqeeya Hay’adaha Dowladda waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda

  1. Codsiga dal-kujoogga oo qoraal ah (Hay’addauu u shaqeeyo) oo ay ku caddahey xogta shaqsiga iyo dammaanadda
  2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan 1sano
  3. Aqoonsiga Shaqsiga (National ID) hadii uu leeyahay
  4. Waraqadda Heshiiska shaqada oo leh ansixinta wasaaradda shaqada(Contract)
  5. Taariikh nololeedka shaqsiga (CV)
  6. Labo sawir oo teesare ah
  7. Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (academic / skills certificate).
  8. Cadeynta bad-qabka caafimaadka.

D) Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo Kuwa Urur Goboleedyada: Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa urur goboleedyada waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda

  1. Warqada ogolaanshiyaha siinta dal-kujoogga ee wasaaradda ArimahaDibadda
  2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (L.p, Diplomat, etc)
  3. Aqoonsiga shaqsiga (National ID)
  4. Labo sawir oo teesare ah
  5. Heshiiska shaqada (Contract).

E) Dublamaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradaha: Dublamaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradaha ajnabiga waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumeentiyada soo socda

  1. Warqada ogolaanshiyaha siinta dal-kujoogga ee wasaaradda Arimaha dibadda;
  2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano;
  3. Aqoonsiga Dublamaasiga (WasaaraddaArimahaDibadda);
  4. Labo sawir oo teesare ah.

F) Qaxootiga ajnabiga ah: Dadka qaxootinimada ku jooga dalka waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda

  1. Warqadda Ogolaanshiyaha dal-joogga ee wasaaradda arimaha gudaha;
  2. Caddeynta diiwaan-gelinta xaafiiska Soomaaliya u qaabilsan qaxootiga;
  3. Kaarka hay’adda qaxootiga adduunka (UNHCR);
  4. Baasaboor ama dukumeenti u dhigma oo dhiciddiisa ay ka dhiman tahey ugu yaraan hal sano (Waa haddii uu heysto);
  5. Sawir teesare ah (2 xabbo);
  6. Cadeynta bad-qabka caadimaadka.

Shuruudaha Ogolaanshiyaha Dal-kujoogga

  1. In Dukumentigiisa safarku yahey mid sax ah, isla markaana Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano;
  2. In uu dhameystiro warqadaha iyo shuruudaha kale ee lagama maar-maanka u ah aqbalidda codsiga;
  3. In uu dalka sharci ku joogey;
  4. In uusan ku jirin liisaska kala duwan ee dadka la doonayo;
  5. Inuusan dalka hore danbi uga gelin;
  6. In aan qalad uu galey awgeed dalka hore looga tarxiilin;
  7. Inuu yahey qof aan laga shakisaneyn isla markaana lagu aqoonin danbiyada sida argagixisada, ka ganacsiga daroogada, ganacsiyada sharci darada ah, tahriibinta, iwm;
  8. In uusan jirin amar maxkamadeed ama siyaasad dowladeed oo khuseeya shaqsiga codsiga ku xusan codsiga;
  9. In codsadaha iyo marti-gelihiisaba ay yihiin kuwo ilaaliyey sharciyada dalka, isla markaana aan lagu heysan musuq iyo canshuur aan la bixin;
  10. In marti-geliyihiisu uusan laheyn astaamaha kor ku xusan;
  11. In marti-geliyuhu leeyahey awood oo ku qaadi karo amniga, nolosha iyo hooygiis;

Top