Baasaboor

Qodobka 1aad: Qaadashada Baasaboorka Caadiga

  1. In Dukumentigiisa safarku yahey mid sax ah, isla markaana Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano;
  2. Codsiga shaqsiga oo qoraal ah;
  3. 2 sawir oo teesare ah;
  4. Warqadda Danbi la’aanta qofka qaangaarka ah (CID);
  5. Warqadaha Dhalashada iyo Sugnaanta (Dowladda hoose ee deegaanka uu degan yahay ama Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahey dalka uu joogo);
  6. Ka gudbo hubinta shaqsiga iyo warqadaha ku xusan qodobada 1aad iyo 2ad;
  7. Cadeynta bixinta khidmadda adeegga.

Qodobka 2aad: Cusbooneysiinta Baasaboor Dhacey

Baasaboor dhacay waxaa looga jeedaa baasaboor dhaafey taariikhda dhicidda ee ku xusan bogga xogta ee baasaboorka, balse sharcigu wuxuu muwaadinka u ogol yahey in uu codsan karo baasaboor cusub marka baasaboorkiisa ay ka dhiman tahey 6 bilood iyo wixii ka yar.
Baasboor dhacay micnihiisu waa baasaboor waqtigiisu dhamaadey isla markaana aan lagu safri karin, loona tixgelin karin dukumenti jira oo shaqeynaya

A) Shuruudaha Laga Doonayo Muwaadinka Cusbooneysiisanaya Baasaboorkiisa

  1. Codsiga shaqsiga oo qoraal ah;
  2. 2 sawair oo teesare ah;
  3. Basaboorka ka dhacey;
  4. Warqadda danbi la’aanta qofka qaangaarka ah (CID);
  5. Warqadaha dhalashada iyo sugnaanta haddii aysan hore Feylkiisa ugu jirin (Dowladda Hoose ee deegaanka uu degan yahey ama Qunsuliyadda Soomaaliya ku leedahey dalka uu ku noolyahey);
  6. Ka gudbo hubinta shaqsiga iyo waxyaabaha ku qoran qodobada 1aad; 2aad, iyo 3aad, iyo 4aad (Xaafiiska hubinta iyo bixinta ogolaanshaha);
  7. Cadeynta bixinta khidmadda adeegga.

FG:

Baasaboorka dhiciddiisa ay ka dhiman tahay 6 bilood ama ka yar waa la cusbooneysiin karaa. Baasaboorka Soomaaliya ee dhacey laguma cusbooneysiin karo gacan, waa in dib loogu dalbaa muwaadinka

Qodobka 3aad: Dib u Bixinta Baasaboorka Lumey

Qof kasta oo Soomaali ah wuxuuu xaq u leeyahay in dib loogu sameeyo baasaboorka ka lumey haddii uu buuxiyo shuuradaha hoos ku xusan;

  1. Codsiga shaqsiga oo qoraal ah;
  2. 2 sawair oo teesare ah;
  3. Warqadda caddeynta lumidda baasaboorka ( Boliiska deegaanka uu ku lumey);
  4. Inuu dhammeeysto muddada baafinta baasaboorka oo dhan 3 bilood;
  5. Warqadda Caddeynta danbi la’aanta qofka qaangaarka ah (C I D);
  6. Warqadaha dhalashada iyo sugnaanta haddii aysan hore galkiisa ugu jirin (Dowladda hoose ama safaaradda dalka uu ku nool yahay);
  7. Ka gudbo hubinta shaqasiga iyo waxyaabaha ku xusan qodobada 1aad, 2aad, iyo 3aad (Xafiiska Hubinta iyo ogolaanshaha );
  8. Caddeynta bixinta khidmadda adeegga.

Qodobka 4aad: Baasaboorada Dublamaasiga iyo Shaqada

Waxaa lagu bixiyaa Hab-raaca Wasaaradda arrimaha Dibadda.

Qodobka 5aad: Hubinta Sharciyadda Ajaanibta Sheeganaya Jinsiyadda Soomaaliga ah

Burburkii dalka ka dhacey wuxuu saameeyey xuduudaha dalka, keydkii xogta dadka, aarkiibiyadihii dowladaha hoose, iyo baasaboorka, waxaana ka dhashey in ajaanib badan ay dalka soo galaan, qaarkoodna sheegtaan jinsiyadda Soomaaliga ah, iyaga oo suuqqa ka qaatey baasaboorka Soomaaliga ama si qaldan uga qaatey xaafiisyo dowladeed.

Sida sharciga jinsiyadda Soomaaliya dhigayo bixinta jinsiyaddu (Siismo) waxay leedahey hab loo maro oo ka bilaabanaya maamulka iyo maxkamad degmo, gobolka, gudiga qaranka ee qiimeynta qaadashada jinsiyadda, wasaaradda arimaha gudaha, golaha wasiiradda, iyo ugu danbeyn saxiixa madaxweynaha Jamhuuriyadda. Waxaa jira jinsiyad sharafeed, waxaana lagu bixiyaa digreeto madaxweyne.

Hadaba, ajnabiga kasta oo jinsiyadda Soomaaliga ah ku qaatey hab aan aheyn ama gaarsiisneyn kan ku xusan sharciga jinsiyadda Soomaaliga, sheegashadiisu waa waxba kama jiraan aan laheyn wax tixgelin ah.

Hubinta sheegashooyinka la xariira jinsiyadda Soomaaliga ah, waxaa loo raacayaa habkaan soo socda;

A) Ajnabiga Sheeganaya in Jinsiyadda Soomaaliga La Siiyey ka Hor Dec. 31 1990

Ajaanibta sheeganaya in jinsiyadda la siiyey ka hor burburkii dalka (ka hor December 31, 1990), waxaa laga hubinayaa;

  1. Teesarahaa aqoonsiga dowladda hoose ama teesare shaqo;
  2. Koobiga baasaboorkii hore loo siiyey;
  3. Taariikh nololeedkiisa oo qoraal ah oo ay ku xusan tahey waxbarashadiisa, shaqooyinkiisa, iyo deegaankiisa;
  4. In uu ku hadli karo luuqada Soomaaliga islamarkaana yaqaano dhaqanka Soomaaliga;
  5. Hubin inuu dib ka qaatay jinsiyad kale maadaama sharcigii jinsiyaddda ee dalka ka jiray uu san ogolayn labo jinsiyadood;
  6. Decreetadii madaxwayne ee lagu siiyey Jinsiyadda oo ay wehliyaan dokumintiyo dhamaystiran oo koobaya ogolaanshihiisa biloow ilaa dhamaad;
  7. Xaqiijin in jinsiyadiisu tahay Siismo ama Soomaaliyeeyn iyo in ay tahay jinsiyad sharafeed aan lahayn xaquuqaha muwaadinimo;
  8. In uu san ku dhicin xukun maxkamadeed oo uu ku wayn karo jinsiyadda markii la siiyey kadib.
  9. In uu san ku dhicin xukun maxkamadeed oo uu ku wayn karo jinsiyadda markii la siiyey kadib.

B) Ajnabiga Sheeganaya In Aabihiis Lahaa Jinsiyad Soomaali ah;

Ajnabiga sheeganaya in aabihiis hore loo siiyey jinsiyadda Soomaaliga ah waxaa laga hubinayaa qodobadaan hoos ku xusan;

  1. Caddayn muujinaysa xiriirka waalidnimo ee ka dhaxeeya;
  2. Dukumentiga jinsiyadda aabaha oo dhamaystiran;
  3. Inuu ku hadli karo luuqada Soomaaliga, yaqaanana dhaqanka Soomaaliga;
  4. In uusan ku dhicin xukun maxkamadeed oo uu ku wayn karo jinsiyadda ama ka hor istaagi kara.

F.G: Ajnabiga aan hore aabihii u diiwaan gelin looma tixgelinayo sheegashadiisa jinsiyadda Soomaaliga ah;

C) Ajnabiga Yimid Ama Ku Dhashey Dalka Wixii ka Danbeeyey Dec. 31 1990;

Ajnabiga yimid ama ku dhashay Soomaaliya wixii kadambeeyey Dec. 31 1990 uma yeelanayo wax xaqaquuq ah in uu helo jinsiyadda Soomaaliga, mana la siin karo ilaa uu soo maro waajibaadka, hababka, iyo mudada ku xusan sharciga jinsiyadda Soomaaliya.

Top