Dal-ku-joog

Bixinta Dal-kujoogga

Qofka ajnabiga ah ee dalbanaya dal-kujoogga waxaa waajib ah in uu soo buuxiyo qodobada iyo shuruudaha ku cad sababta uu u joogo Dalka;

A) Shaqaalaha Ajnabiga:


Shaqaalaha caadiga ah eeka shaqeysta shirkadaha iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahey waxaa laga doonayaa iney la yimaadaan dukumeentiyada soo socda:

1. Codsiga Hay’adda ama loo-shaqeeyaha uu u shaqeeyo oo qoraal ah ayna ku caddahey xogta ajnabiga, sababta, dammaanadda amniga iyo noloshiisa;

2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano;

3. Waraqadda Heshiiska shaqada oo leh ansixinta Wasaaradda Shaqada (Contract);

4. Ogolaanshiyaha shaqada ee wasaaradda shaqada (Work Permit);

5. Labo sawir oo teesare ah;

6. Caddeynta aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka;

7. Taariikh nololeedka qofka (CV);

8. Aqoonsiga shaqsiga ( National ID ) hadii uu leeyahay;

9. Cadeynta bad-qabka caafimaadka

B) Ganacsadaha Ajnabiga ah:


Ajnabiga ganacsiga ku leh dalka waxaa laga doonayaa shuruudaha iyo qodobada hoos ku xusan;

1. Codsiga dal-joogga oo qoraal ah ayna ku caddahey xogta shaqsiga iyo dammaanadda;

2. Ruqsadda ganacsiga ee wasaaradda Ganacsiga (Business Permit);

3. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano;

4. Labo sawir oo teesare ah;

5. Warbixinta Ganacsiga (Business Profile);

6. Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (Academic/skills certificate);

7. Taariikh nololeedka shaqsiga (CV);

8. Aqoonsiga shaqsiga (Natonal ID) hadii uu leeyahay;

9. Cadeynta bad-qabka caafimaadka.

C) Ajaanibta u Shaqeeya Dowladda:


Dadka ajnabiga ah ee u shaqeeya Hay’adaha Dowladda waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda:

1. Codsiga dal-kujoogga oo qoraal ah (Hay’addauu u shaqeeyo) oo ay ku caddahey xogta shaqsiga iyo dammaanadda;

2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan 1sano;

3. Aqoonsiga Shaqsiga (National ID) hadii uu leeyahay;

4. Waraqadda Heshiiska shaqada oo leh ansixinta wasaaradda shaqada(Contract);

5. Taariikh nololeedka shaqsiga (CV);

6. Labo sawir oo teesare ah;

7. Shahaadada aqoonta ama xirfadda shaqo ee qofka (academic / skills certificate).

8. Cadeynta bad-qabka caafimaadka.

D) Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo Kuwa Urur Goboleedyada


Midoobey iyo kuwa urur goboleedyada waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda:

1. Warqada ogolaanshiyaha siinta dal-kujoogga ee wasaaradda ArimahaDibadda;

2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano (L.p, Diplomat, etc);

3. Aqoonsiga shaqsiga (National ID);

4. Labo sawir oo teesare ah;

5. Heshiiska shaqada (Contract).

E) Dublamaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradaha


Dublamaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradaha ajnabiga waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumeentiyada soo socda:

1. Warqada ogolaanshiyaha siinta dal-kujoogga ee wasaaradda Arimaha dibadda;

2. Baasaboor Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano;

3. Aqoonsiga Dublamaasiga (WasaaraddaArimahaDibadda);

4. Labo sawir oo teesare ah.

F) Qaxootiga ajnabiga ah


Dadka qaxootinimada ku jooga dalka waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan dukumentiyada soo socda;

1. Warqadda Ogolaanshiyaha dal-joogga ee wasaaradda arimaha gudaha;

2. Caddeynta diiwaan-gelinta xaafiiska Soomaaliya u qaabilsan qaxootiga;

3. Kaarka hay’adda qaxootiga adduunka (UNHCR);

4. Baasaboor ama dukumeenti u dhigma oo dhiciddiisa ay ka dhiman tahey ugu yaraan hal sano (Waa haddii uu heysto);

5. Sawir teesare ah (2 xabbo);

6. Cadeynta bad-qabka caadimaadka.

Shuruudaha Ogolaanshiyaha Dal-kujoogga


1. In Dukumentigiisa safarku yahey mid sax ah, isla markaana Dhicitaankiisu ay ka dhimantahay ugu yaraan hal sano;

2. In uu dhameystiro warqadaha iyo shuruudaha kale ee lagama maar-maanka u ah aqbalidda codsiga;

3. In uu dalka sharci ku joogey;

4. In uusan ku jirin liisaska kala duwan ee dadka la doonayo;

5. Inuusan dalka hore danbi uga gelin;

6. In aan qalad uu galey awgeed dalka hore looga tarxiilin;

7. Inuu yahey qof aan laga shakisaneyn isla markaana lagu aqoonin danbiyada sida argagixisada, ka ganacsiga daroogada, ganacsiyada sharci darada ah, tahriibinta, iwm;

8. In uusan jirin amar maxkamadeed ama siyaasad dowladeed oo khuseeya shaqsiga codsiga ku xusan codsiga;

9. In codsadaha iyo marti-gelihiisaba ay yihiin kuwo ilaaliyey sharciyada dalka, isla markaana aan lagu heysan musuq iyo canshuur aan la bixin;

10. In marti-geliyihiisu uusan laheyn astaamaha kor ku xusan;

11. In marti-geliyuhu leeyahey awood oo ku qaadi karo amniga, nolosha iyo hooygiis;

Top