Immigration Law

IND Somalia

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ayaa meelmariyay labo hindise sharciyadeed oo ay u gudbisay xukuumadda Soomaaliya, Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka waxaa maanta xaadiray 150 mudane, waxaana xildhibaanada markii kulankooda furmay cod u qaadeen labo hindise sharciyeed oo horey xildhibaanada doodo uga yeesheen.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay hindise sharciyeedka nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa, waxaana ansixiyay 148 mudane halka laba Xildhibaan ay ka aamuseen, Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Xildhibaannada dhowr jeer ka doodeen, waxaana ansixiyay 149 Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday.

Be Updated with us

 Aden Abdulle international Airport, Mogadishu, Somalia

Phone: +252614465000

Call : 2000

Email: info@immigration.gov.so

Useful Links

More Info

  info@immigration.gov.so / 2024  - Immigration and Citizenship Agency of Somalia