[Dec 18, 2024]
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa goob joog ka noqday Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Agaasimaha Guud hore Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Cusub Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.
Waxaa sidoo kale kasoo qayb galay munaasabadda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Rayidka iyo Xildhibaano ka kala tirsan labadda Aqal ee Barlamaanka JFS.











