[Nofeembar 13, 2022]
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Munaasabadda daah-furka xarunta cusub waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta dowlada oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaashii hore ee HSJ.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa qudbadiisa munaasadda ka sheegay in ay tahay guul wayn oo loo gaaray dhanka horumarka hay’adda iyo in hay’addu ka dhabeesay ballamadii horumarinta adeeg bixinta.
Dhanka kale, col. Maxamed Adan Jimcaale, Agaasimihii Guud ee hore ee Hay’adda ayaa ku aamanay doorka wanaagsanaa ee Jan. Cabdullahi Gaafow Maxamed kasoo ciyaaray hay’adda gaar ahaan curinta aragtida in hay’addu yeelato dhismahan xarunta dhexe. Intaas waxa uu kusii darayna in uu umahadceliyay Agaasimaha Guud ee hadda jooga in uu gaarsiiyay ilaa dhamaadka mashruuca dhismaha xarunta dhexe.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa ka hadlay guulaha la gaaray iyo waxyaabaha horutabinta u leh HSJ.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Sheekh Cali Doodishe ayaa dhamaadka munaasadda xarig jarka ee dhismaha xarunta dhexe uga mahadceliyay deeq bixiyeyaasha iyo hay’addaha kale ee qayb ka qaatay dhismaha.















