[sep 12, 2024], – Mogadisho ,Somalia
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka dowlada Norway u fadhiya Soomaaliya Mudane Carsten Carlsen iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda Norway Marwo Catherine Fari.
Agaasimaha Guud ayaa ugu horayn waxa uu uga mahadceliyay Safiirka taageerada dowladda Norway ay ka geesato horumarinta kaabayaasha HSJ. Waxa uu sidoo kale uga warbixiyay isbedalada dhanka horumarka la sameeyay iyo Qorshayaasha horutebinta u leh Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Safiirka dowlada Norway Mudane Carsten Carlsen ayaa uga mahadceliyay dhankiisa soodhawaynta waxa uuna balan qaaday in ay sii labo jibbaarayaan taageerada dowlada Norway ku bixiso HSJ, isla markaana ay sii xoojinayaan wadashaqaynta togan ee kala dhaxaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
.
- All
- Gallery Item








