[April 26, 2024],
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Ahmed Said Mohamed oo uu wehliyo Lataliyaha Sare Mudane Mahad Abdi ayaa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska uga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Interpol.
Shirkan oo ah kii 19-aad oo ay kasoo qaybgaleen 196 dowladood oo xubin ka ah Interpol ayaa sanadkaan waxaa looga wadahadlay arrimo quseeya ka hortagga danbiyada socdaalka iyo xog isweydaarsiga.
Agaasimaha Guud ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda sare ee Interpol isaga oo kala hadlay kawada wadashaqaynta arrimaha socdaalka iyo isdhaafsiga xogta iyo wadaaga khibradaha.


