degmada Cee;barde oo laga hirgeliyay adeegga baasaboorka dalka

degmada Cee;barde oo laga hirgeliyay adeegga baasaboorka dalka


Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka jawaabeyso baahida adeegga bixinta baasaboorka ee degmada Ceelbarde taas oo horay u soo gudbiyeen Maamulka iyo shacabka degmada Ceelbarde ayaa waxaa si rasmi ah looga higeliyay degmadaasi Xafiiska bixinta Baasaboorka Soomaaliya. Xafiiskaan ayaa u fududeyn doono shacabka ku sugan Ceelbarde iyo deegaanada ka agdhow in ay helaan baasaboorka. Degmada Ceelbarde ayaa Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay horay uga hirgelisay Xafiiska Socdaalka.

Agaasimaha Waaxda Kontoroolka Xuduudaha Gaashaanle Fahmo Xasan Maxamud, Agaasimaha Waaxda Howlaha Mudane Cusmaan Shiikh Xuseen, K/xigeenka Agaasimaha Jinsiyadda Mudane Bashiir Xuseen Kulane iyo Agaasimaha Laanta 3aad ee HSJ Mudane Cumar Xaaji Ibraahim ayaa goobjoog ahaayeen munaasabadda xarigga looga jarayay Xafiiska bixinta Baasaboorka ee Degmada Ceelbarde.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde Mudane Haadi Siraad Cumar ayaa soo dhaweeyay isla markaana uga mahadceliyay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka jawaabistii deg degga aheyd oo ay Maamulka iyo shacabka Ceelbarde horay ugu soo gudbiyeen Agaasinka Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Shacabka Degmada Ceelbarde oo furitaanka Xafiiska kasoo qeybgalay ayaa sidoo kale soo dhaweeyeen in Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu u soo dhaweyso adeegyada ay bixiso.

K/xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Ceelbarde la hadlay ayaa xusay in Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay diyaar u tahay ka jawaabista baahiyaha adeegyada ay bixiso. Ugu dambeyn k/xigeenka Agaasimaha guud ayaa shacabka Ceelbarde iyo deegaanada ku dhaw oo Xafiiska bixinta baasaboorka u adeegi doono ayaa kula dardaarmay in ay ilaaliyaan shuruucda iyo Habraacyada lagu bixiyo baasaboorka isla markaana la shaqeeyaan Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada bixiya adeegyada Hay'adda.

Top