Xillibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, K/Xigeenada Agaasimaha Guud ee HSJ, iyo

Xillibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, K/Xigeenada Agaasimaha Guud ee HSJ, iyo

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, K/Xigeenada Agaasimaha Guud ee HSJ, iyo maamulka degmada Ceelwaaq ayaa maanta dib u howlgeliyay Garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Munaasabadda dib u Howlgelinta Garoonka Ceelwaaq oo ay maanta ka degtay diyaaraddii ugu horeysay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Sanator Cabdikaafi Xasan, Xillibaan Jibriil Cabdirashiid, Xillibaan Golaha deegaanka Stocholm Axmed Kaboole iyo Gudoomiyaha Degmada Ceelwaaq Md, Ibraahim Guuleed.

Ku xigeenada Agaasimaha Guud Col, Cabdifitaax Ibraahim Shaaweeye iyo Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ka hadlay daahfurka Garoonka Ceelwaaq ayaa balanqaaday in Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay howlgelin doonto Bar-xuduudeedka ceelwaaq dhismahiisana bilaabi doonto dhawaan.

Ugu dambeyn Ku xigeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada, isagoo balanqaaday inay Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda saraakiisheeda xuduudaha ay gudan doonaan waajibaadkooda qaran ee ka saaran bar-xuudeedka Ceelwaaq.

Top