Waxaa Kormeer ku tageen Movcon Termina

Waxaa Kormeer ku tageen Movcon Termina

Wasiirka Arimaha dibedda, Wasiirka Gaadiidka XFS iyo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa kormeer ku tageen Movcon Terminal oo ay isticmaali jireen Hay'adaha UN-ka, Amisom iyo safaaradah degan Xalane, kaas oo dhawaan ay xirtay xirtay Dowladda Soomaaliya. Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soo bandhigtay nidaamka loogu adeegi jiray Hay'adaha UN-ka iyo Safaaradaha Kasoo degi jiray kana duuli jiray Movcon Terminal. kormeerka ayaa loogu kuur-gakalay in uu dhaqan galay xiritaanka Movcon Terminal. Sababaha loo xiray MOVCON Terminal ayaa waxay tahay in lala socda waxa dalka soo galaya ama ka baxaya si loo xaqiijiyo in ay mareen habka socdaalka dalka. Ugu dambeyn Howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaliya (UNSOM) ayaa sheegeen in ay u hogaansameen go'aankii dowladda Soomaaliya ay ku xirtay Movcon Terminal.

Top