Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa maanta furay Shirka Howlgelinta iyo qorsheynta howlaha Guddiga isku-xirka Hey’adaha u xilsaaran Xuduudaha Dalka. Shirkaan ayaa oo sedexdii sano ee u dambeysay heerar kala duwan soo maraayay ayaa u jeedadiisu tahay hirgelinta Guddi ay ka koobanyihiin Hey'adaha ka howlgala Xuduudaha dalka. Hay’adaha shirkaan qeybta ka ah ayaa waxay ka koobanyihiin 20 hay’adood oo isugu jira kuwo Dowli ah iyo kuw aan Dowli ahayn kuwaas oo kawada shaqeeya Garoonka dayaaradaha Adan Cabdulle iyo Furdada Muqdisho oo ah laba irdood oo Xamar laga soo galo. Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay muhiimadda koowaad ee shirkaani inuu yahay in la hubiyo qofka dalka soo galaaya ama ka baxaayo inuu maray Hey'adihii kale oo ay shuruucdii iyo nidaamkii kale ee Hey'daha ay u dhameystiran yihiin, Agaasime Koofi ayaa sheegay in hadii ay Hey'adaha wada shaqeeyaan ay ka adkaan karaan cadowga dibedda iyo kan gudaha. Howlgelinta iyo Qorsheynta Guddigaan ayaa laga bilaabi doonaa Muqdisho oo ah meesha ay ku suganyihiin dhamaan Hey’adaha Federaalka. Hey’adaha ka howlgala Garoonka Aadan Cabdulle iyo Dakedda Muqdisho oo ku mideysan Guddiga Maamulka Xuduudaha ee Muqdisho (IBMC) ayaa yeelanaya Hiigsi, Himilo iyo Waajibaad wadareed oo ay bud-dhig uga dhigayaan hirgelinta Guddiga isku-xirka Hey’adaha u xilsaaran Xuduudaha. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shirka goobjoog ahaa ayaa sheegay in ay muhiim tahay hey'ad walba ay mas'uuliyad iska saarto ilaalinta xuduudaha dalka. Genaral Xijaar ayaa ku adkeeyay in Masuuliyad wadareed ay tahay ilaalinta xuduudaha oo ay wada saarantahay Hey'adaha shirkaan goobjoogga ka ah. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga gudaha Md, Yusuf Cali Maxamed ayaa isagana sheegay in ka wasaarad ah ay taageerayaan shirka iyo dhaqangelintiisa hormarna u rajeynaya inuu noqdo mid guuleysta. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Md, Farxaam Cali Axmed oo shirka furay ayaa Mas'uuliyiinta kasoo qeybgashay shirka bogaadiyay kuna dhiirogeliyay in ay wada shaqeeyaan hey'adaha ka howlgala xuduudaha si ay uga hortagaan cadowga iyo dadka sharci darada ku socda. Wasiiru dowlaha Amniga gudaha XFS ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay ka qeybgalayaasha shirka in ay u midoobaan sidii loo hubin lahaa qof kasta oo soo galaya dalka ama ka baxaya. #HSJ

Top