Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed

Muqdisho 05-09-2021: Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xafiisyada xarunta dhexe ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Amniga gudaha ayaa mid mid u booqday Waaxyaha ay ka koobantahay Hey'adda Socdaalka iyi Jinsiyadda. Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada ayaa Wasiirka uga warbixiyeen sida ay u maareeyaan shaqooyinka maalinlaha ah oo ay Qaranka u haayaan. Sidoo kale Kormeerka shaqo ee Wasiirka ayaa waxaa uu ku mariyay Saldhigga Boliiska Aadan Cabdulle iyadoo halkaasi uu warbixin ka dhageystay Taliyaha Saldhigga Garoonka Aadan Cabdulle. Kormeerka Wasiiru dowlaha Amniga gudaha Md, Farxaan Cali Axmed oo saacado qaatay ayaa waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Md, Yusuf Cali Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi). Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Amniga oo shir la qaatay Agaasinka iyo Madaxda Xafiisyada ayaa ku amaanay howlaha ay bulshada u haayaan isagoo kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada isla markaana ilaaliyaan habraacyada iyo shuruucda Hey'adda. #HSJSOOMAALIYA

Top