Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Md, Farxaan Cali Axmed, ayaa maanta si rasmiya uga furay M/Muqdisho Sh

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Md, Farxaan Cali Axmed, ayaa maanta si rasmiya uga furay M/Muqdisho Sh

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Md, Farxaan Cali Axmed, ayaa maanta si rasmiya uga furay M/Muqdisho Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) oo sadexdii bilba mar laqabto.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna K/xigeenka Agaasimaha ee HSJ Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir (Shiine), oo ugu horeyn sharaxayay ujeedada shirkan ayaa xusay in shirka isku xirka howlaha laamaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodba mar laqabto, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, waxyaabaha laga gaabiyay & caqabadaha shaqo ee sadexdii bil ee la soo dhaafay lagala kulmay shaqada, iyo ka doodista qorshaha shaqo ee sadexda bil ee soo socota.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Md, Yuusuf Cali Maxamed oo shirka kasoo qeybgalay, ayaa sheegay in HSJ ay tahay hey'adda kaliya ee uu ku tilmaami karo iney u shaqeyso habka federaalka ah ee uu hada dalku ku shaqeeyo, isaga oo intaa raaciyay in uu aqoon badan u leeyahay shaqada Hey’addan islamarkaana uu aad u bogaadinayo waqtigan wadashaqeynta wanaagsan ee HSJ ay la leedahay Hey'adaha kale ee Dalka.
Wasiirka Dowlaha Amniga gudaha Md, Farxaan Cali Axmed oo shirka hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay in uu dhankiisa aad ugu faraxsan yahay howlaha muuqda ee ay Hey'addu u heyso shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankaba.
Wasiiru Dowlaha, ayaa dhanka kale xusay In shirkan Sadex biloodlaha ah oo ay Saraakiisha HSJ wax isaga weydiiyaan shaqooyin kooda ay tahay mid Xukuumad ahaan natuseysa sida ay Madaxda iyo Saraakiisha Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda ay uga go’an tahay isla xisaabtanka shaqo iyo in uu cad yahay qorshaha Hey’adda ee bilaha soo socda. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sharciyada Hey'adda oo iminka horyaala Golaha Shacabka ay dadaal dheeri ah ku bixin doonaan sidii ay uga gudbi lahaayeen Baarlamaanka.
Ugu dambeyn, Shirkan oo gelinka dambe ee maanta lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa Sidoo kale ka soo qeyb galay Laamaha Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Gobalada, iyo Saraakiisha xarunta dhexe ka howlgala, kuwaas oo ka wada dooday shaqooyinka Hey’adda, caqabadaha iyo horumaradii ay sameysay 3 bilood ee la soo dhaafay, waxaana ugu dambeyn soo xiray Shirka Ku-simaha Agaasimaha Guud Md, Cabdullaahi Xaaji Bashiir.

Top