Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha H.E. Farhan Ali Ahmed ayaa maanta si rasmiya uga furay Hotel Decale

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha H.E. Farhan Ali Ahmed ayaa maanta si rasmiya uga furay Hotel Decale

Muqdisho 21 June, 2021. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha H.E. Farhan Ali Ahmed ayaa maanta si rasmiya uga furay Hotel Decale ee M/Muqdisho, Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) oo sadexdii bilba mar laqabto. Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Adan Jimcaale (Koofi), oo ugu horeyn sharaxayay ujeedada shirkan ayaa xusay in shirka isku xirka howlaha laamaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodle ah, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, waxyaabaha laga gaabiyay & caqabadaha shaqo ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay lagala kulmay shaqada, iyo ka doodista qorshaha shaqo ee sadexda bil ee soo socota. Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ,Md Duraan Axmed Faarax, ayaa aad u bogaadiyey Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda howlaha muhiimka ah oo ay u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo sida joogtada ah oo ay madaxda HSJ isugu yimaadaan kulankan oo kale si ay iskula xisaabtamaan shaqada ay u hayaan Qaranka Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar),oo ka mid ahaa madaxda shirka ka hadashay ayaa sheegay in HSJ ay tahay hey'add adeegyo muhiim ah u heysta Umadda Soomaaliyeed, isaga oo intaa raaciyay in uu isagu aqoon badan u leeyahay shaqada Hey’addan, islamarkaana uu aad u bogaadinayo waqtigan wadashaqeynta wanaagsan ee HSJ ay la leedahay Hey'adaha kale ee Dalka gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Xildhibaan Prof IBI , oo dhanka kalena ka mid ah Gudiga Arimaha Dibadda ee BFS, ayaa shirka ka soo jeediyey hadal kooban oo uu diiradda ku saaray duruufaha iyo xaaladahii adkaa ee ay Saraakiisha HSJ ku shaqeyeen, wuxuuna Saraakiisha HSJ ku amaanay dulqaadka iyo samirka ay u yeesheen culeysyada faraha badan oo ugu dhaca shaqada ay hayaan darteed. Wasiir K/Xigeenka Wasaarada Maaliyada Prof Abdullahi Sh Ali, {Qaloocoow} ayaa shirka ka soojeediyay hadal kooban oo ku saabsan xog ogaal nimadiisa iyo marxaladihii kala diwanaa ee ay soo martay HSJ, wuxuuna Prof Qaloocoow ku tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in maanta dalkeenu uu leeyahay Hey’ad iyo shaqaale heegan u ah , awoodna u leh iney ilaaliyaan xuduudaheena Dhulka, Cirka iyo Baddaba. Dhanka kale, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Md, Farxaan Cali Axmed oo isna shirka hadalo ka soojeediyay ayaa xusay in uu dhankiisa aad ugu faraxsan yahay inuu arko howlaha muuqda ee ay Hey'addu u heyso shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankaba. Wasiiru Dowlaha, ayaa dhanka kale sheegay In shirkan Sadex biloodlaha ah oo ay Saraakiisha HSJ wax isaga weydiiyaan shaqooyin kooda ay tahay mid Xukuumad ahaan natuseysa sida ay Madaxda iyo Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay uga go’an tahay isla xisaabtanka shaqo iyo in uu cad yahay qorshaha Hey’adda ee bilaha soo socda. Sidoo kale Shirku intuu socday waxaa hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda A/Dibadda Danjire, Mohammed Cali Nuur, Mareeyaha Garoonka Adan Cadde International, Md, Abdinaasir, Gudoomiye K/Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee G/Banaadir, Md Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) , Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada G/Banaadir Md Abdikafi Mohammed Makaran, iyo Madax kale, waxaana Riwaayad ka turjumeysa shaqada Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda shirka ku soo bandhigay kooxda KALAMAAN. Ugu dambeyn, Shirkan oo socon doona mudo 2 maalmood ah, waxaa gelinkii dambe ee maanta warbixino shaqo looga dhegeystay Agaasime waaxeedyada HSJ, kuwaas oo markii dambena ka wada dooday shaqooyinka Hey’adda, caqabadaha jira, horumaradii ay sameysay Hey’addu 3-dii bilood ee la soo dhaafay, iyo qorshayaasha u degsan ee la doonayo in la fuliyo 3-da bilood ee soo socota, #HSJMUQDISHO

Top