Wasiirka Amniga oo furay Tababarka ka Hortagga Socdaalka sharci darada ah

Wasiirka Amniga oo furay Tababarka ka Hortagga Socdaalka sharci darada ah


Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta daahfuray Tababar la xiriira Socdaalka sharci darada ah iyoka hortagga Tahriibka, kaas oo loo qabanayay Hay'adaha ka howlgala Irdaha Dalka.

Tababarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyadoo ay fududeeyeen dowladda Garmalka iyo Hay'adda Socdaalka ee Qaramada midoobay (IOM).

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay Tababarkaan waajibna uu ka saaran yahay Hay'adda Socdaalka & Jinsiyadda Iyo Hay'adaha kale ee ka howlgala Irdaha dalka sida (Garoomada diyaaradaha, Dekadaha iyo Xuduudaha dhulka) in ay iska kaashadaan ka hortagga dambiyada socdaalka.

Agaasime Cabdul ayaa sidoo kale xusay tirada dambiyadii Socdaalka ee dhacay sedexdii sano ee u dambeysay isla markaana sheegay in looga hortagi karo kaliya in ay iskaashi iyo wadashaqeyn sameeyaan Hay'adaha isugu yimid Tababarkaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo tababaar furay ayaa ku booriyay ka qeybgalayaasha tababaarkaan in joogteeyaan kulamadooda iskaashina ka yeeshaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dambiyada Socdaalka. Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa sidoo kale sheegay wada shaqeynta Hay'adahani ay kaalin weyn ka qaadan karto soo xareynta dakhliga dalka iyo sidoo kale Amniga guud ee dalka.

Top