Wasiirka Amniga gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur

Wasiirka Amniga gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur

Wasiirka Amniga gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Isaaq Cabdi ayaa furay Shir lagu aas-aasayay Guddi isku dhaf ah oo ka howlgalaya irdaha dalka gaar xuduudaha Socdaalka ee Dowlad goboleedka Koofnur galbeed, kaas oo ay soo agaasintay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Kulankaan oo ay hogaamineysay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Hay'adaha kala duwan ee ka howlgala Xuduudaha dalka gaar ahaan kuwa dowlad goboleedka koonfur galbeed, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Wasaaradda Amniga gudaha KGS, Wasaaradda Gaadiidka, Wasaaradda Caafimaadka, Hay'add duulista Rayidka, Hay'adda Qaxootiga iyo barakacayaasha, Maamulka degmada Baydhabo iyo Hay'ado kale oo aan si joogta aheyn uga howlgalo irdaha dalka laga soo galo. K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ka qeybgalay shirka ayaa Madaxda iyo Hay'adaha goobjoogga u ahaa kulankaan la wadaagay heerarka kala duwan ee uu soo maray Shirkaan, iyo guddiyadii laga hirgeliyay Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Garowe kuwaas oo iminka si rasmi ah u howlgala. Sidoo kale k/xigeenka Agaasimaha Guud ayaa ku bogaadiyay Hay'adaha goobjoogga ah ka soo qeybgalkooda shirkaan muhiimadda gaarka ah u leh horumarinta xuduudaha dalka isagoo ka rajeeyay Hay'adaha ka soo qeybgalay in ay dowrkooda ku aadan dhismaha guddigaan qaadan doonaan. Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga gudaha Dowlad Goboleedka KGS Mudane Maxamed Isaaq Cabdi iyo Wasiirka Gaadiidka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdinuur Aadan ayaa bogaadiyeen muhiimadda uu guddigaan dhismihiisa u leeyahay deegaanada Koonfur galbeed gaar xuduudaheeda dhanka Socdaalka, Wasiirka Amniga gudaha Koonfur Galbeed oo kulankaan furay ayaa uga mahadceliyay Madaxda Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda taabba-gelinta guddigaan oo hormuud u tahay, kuwaas dhismihiisa ka socdaan guud ahaan Xarunaha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Top