Wargelin Muhiim Ah

Wargelin Muhiim Ah

Iyada oo la fulinayo Siyaasadda Dowladda Federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka iyo yareynta khataraha Caabuqa COVID19, laga bilaabo December 13, 2020, dadka ku safraya baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya in ay soo galaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Ee Soomaaliya waxaa looga baahan yahey dal-kugal, waxayna ka soo qaadan karaan Safaaradaha Soomaaliya. Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraysa baasaboorka Dublamaasiga ah waxaa looga baahanyahay ogolaanshiyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Ishaashiga Caalmiga ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya. Cid kasta oo ay khuseyn karto, waxaa laga rajeynayaa in ay fulin doonaan ujeedada wargelintaan.

Top