Waaxda  Shaqaalaha ee HSJ

Waaxda Shaqaalaha ee HSJ

Waaxda Shaqaalaha ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda (HSJ) , ayaa waxey Gobolada dalka ka biloowday tababar ku saabsan siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha Hay’adda, si loo kobciyo tayada shaqaalaha hay’adda iyo fahamka guud ee ay ka heystaan hanaanka Siyaasadda shaqaalaha. Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha (HSJ), Md Siciid Axmed Xuseen, ayaa sheegay in tababarkan oo ay la kaashadeen Hey’adda Socdaalka Aduunka ee IOM-ta , loo qorsheeyay in loo qabto dhamaan Shaqaalaha iyo madaxda laamaha ay Hay’addu ku kala leedahay Gobolada Dalka , islamarkaana uu yahay tababar muhiimad weyn u leh hormarinta nidaamka shaqaalaha hay’adda, Agaasime Siciid, Mar uu ka hadlayay waxyaabaha sida gaarka ah loogu tababarayey shaqaalaha waxa uu sheegay, in waaxda shaqaaluhu ay ku tababareysay shaqaalaha iyo Madaxda laamaha ee Gobolada dalka, qodobada kala ah, Nidaamka fasaxyada,Habka Qiimeynta Shaqaalaha, iyo Ilaalinta anshaxa , si loo dardargeliyo hanaanka lagu hormarinayo howlaha hortabinta u leh Hey’adda. Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ( HSJ) Md Siciid Axmed Xuseen, waxa uu ugu dambeyn xusay in Tababarkan uu waxbadan ka tari doono horumarinta yoolka ay higsaneyso Waaxda shaqaalahu, maadaama ayuu yiri, aan ku xog-wareysanay dhamaan shaqaalaha ka hawlgala laamaha Gobolada dalka, si aan u ogaano fahamka guud ee ay ka qabaan hanaanka siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha ee hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda (HSJ) u degsan. Tababarkan oo 11-July, 2021, ka soo bilowday M/Dhuusamareeb , laguna soo kala qabtay magaalooyinka Garoowe,Kismaayo,& Jowhar, ayaa la filayaa in 10-ka August, 2021-ka lagu soo gebagabeeyo M/Beydhabo.

Top