Tababarka isku xirka Xafiisyada Socdaalka

Tababarka isku xirka Xafiisyada Socdaalka


K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa maanta furay tababar ku saabsanaa isku xirka Xafiisyada Socdaalka Xuduudaha dhulka, Garoomada iyo Dekadaha Dalka.

Tababarkaan oo socon doono mudo 3 maalin ah ayaa waxaa ka qeybqaadanayay Saraakiisha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgala bar-xuduudeedyada dhulka, dekadaha iyo Garoomada Caalamiga ah ee Dalka. Agaasimaha Waaxda Xuduudaha Marwo Fahmo Xasan Maxamuud oo ka hadashay furitaanka Tababarka ayaa waxay sheegtay in xogta Socdaalka xuduudaha ay muhiimad gaar ah u leedahay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada, Saraakiishana looga baahan yahay in ay ilaaliyaan xogta socotada isla markaana ay ku keydiyaan habka socdaalka dalka.

K/xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo tababarka furay ayaa ugu horeyn uga mahaceliyay Shirkadda Dalkom oo bixineysay tababarka saraakiisha HSJ ee ka howlgala xuduudaha dalka kaas oo kor loogu qaadayay xirfadda Saraakiishaas . Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha ku booriyay in ay ka faaideystaan maalmaha uu socdo tababarka isla markaana ay ayagu dhaxdoodu yeeshaan xiriir joogta ah marka uu u dhamaado tababarka, muhiimad gaar ahna siiyaan tababarka.

Top