Tababar ku saabsan Hab-maamuuska Diblomaasiyiinta ayaa maanta loogu soo xiray Saraakiil ka kala soco

Tababar ku saabsan Hab-maamuuska Diblomaasiyiinta ayaa maanta loogu soo xiray Saraakiil ka kala soco


Muqdisho, 30, Janaayo, 2020, Tababar ku saabsan Hab-maamuuska Diblomaasiyiinta ayaa maanta loogu soo xiray Saraakiil ka kala socotay Hey'adaha DFS Xarunta Machadka Tababarada iyo diblomasiyadda ee Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.

Tababarkan oo ah kii ugu horeeyay ee noocan ah ee lagu qabto Machadkan muddo 30 sano ah ayaa waxa uu socday mudo Lix maalmood ah, iyadoo Saraakiisha qaadatay tababarkana ay ka kala socdeen Madaxtooyada, Xafiiska Reysul wasaaraha, Labada gole ee Baaralamaanka, Hey'adda Nabad sugidda iyo Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa si gaar ah loogu tababaray ilaalinta xuquuda muwadiniinta Soomaaliyeed, hagaajinta xiriirka Ajaanibta, fududeynta Safarada rasmiga ah ee madaxda Qaranka iyo soo dhaweynta Madaxda martida ah ee dalka imaaneysa.

Ugu dambeyn wasiirka wasaarada Arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise cawad ayaa soo xiray tababarkan, iyadoo ay casharo ka bixinayeen khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh arimaha Diblomaasiyadda.

Top