Tababar 2 maalin socday oo Saraakiisha Safka hore loogu soo gabagabeeyay Muqdisho

Tababar 2 maalin socday oo Saraakiisha Safka hore loogu soo gabagabeeyay Muqdisho


Tababar ku saabsan baarista dukumeentiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraayo lahaanshihiisa Dukumeentiga safarka ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho Saraakiisha safka hore ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Boliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Interpol.

Tababarkaan ayaa waxaa bixintiisa iska kaashaday Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safaaradda Sweden ee Neyroobi iyadoo uu goobjoog ahaa Xoghaya Koobaad ee Safaaradda Sweden ee Neyroobi. Tababarka oo heerkiisu sareeyay ayaa waxaa bixinaayay Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey'adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).

Ujeedadada Tababarkaan ayaa aheyd in lagu barto ka hortagga dukumeentiyada ay ku safraan dadka isu eg isla markaana rabaan in ay uga gudbaan Xuduudaha Dalka Baasabooro ama Dukumeentiyo safar oo aysan iyagu laheyn. Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay Dukumeentiyada Yurub ee lagu safro sida Baasaboorka Sweden, Aqoonsiga iyo Degenaanshaha Sweden, Sidoo kale Saraakiisha ayaa Tababarka ku qaadanayay qalabka lagu baaro Baasaboorada iyadoo ay ku kala saarayeen Baasaboorka saxda ah iyo kan been abuurka ah.

Lataliyaha sare ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane, Mahad Axmed Cabdi oo dowr muhiim ku lahaa qabsoomidda tababarka iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudaha HSJ Gaashaanle Fahmo Xasan Maxamud oo goobjoog ahaa ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay ka faaideystaan fursadaha tababarada ah ee HSJ mar kasta la garab taagan tahay gaar ahaan Saraakiisha ka howlgala Xuduudaha Dalka. Waaxda Maamulka Xuduudaha Dalka ee HSJ ayaa mudooyinkii dambe waday horumarinta Saraakiisha safka hore ee ka howlgala Xuduudaha Dalka ( Dhulka, Badda iyo Garoomada diyaaradaha).

Saraakiisha dhameysatay tababarka ayaa la gudoonsiiyay Shahaadooyin cadeynaya aqoonta ay u leeyihiin baarista dukumeentiyada safark iyadoo Sidoo kale qalabka lagu baaro dukumeentiyada lagu wareejiyay Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahah ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda taas oo ka caawin doonto hadda kadib baarista dukumeentiga safarka. Dhanka kale HSJ ayaa Tababarayaasha gudoonsiisay hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliya. Ugu dambeyn Tababarkaan ayay aheyd in uu ka dhaco dalka Sweden balse xayiraadaha CoronaVirus ee kala xiray aduunka ayaa keentay in Dalka gudihiisa lagu qabto si loo joogteeyo tababarada Saraakiisha safka hore ee HSJ.

Top