Shirka u qeybsanayaasha HSJ

Shirka u qeybsanayaasha HSJ


Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa gudoomiyay shirka isku xirka u qeybsanayaasha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada caalamka.

Shirka u qeybsanayaaaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo lagu qabtay habka fogaan aragga ayaa waxaa ka soo qeybgaleen 20 u qeysane oo safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay joogaan ka bixiyaan adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka Soomaaliya. U qeybsanayaasha Hay'adda ee Safaaradaha ayaa waxay shirka ku soo gudbiyeen warbixinada la xiriirta arimaha Socdaalka, heshiisyada iyo habraacyada cusub ee dalalka ay ka howlgalaan sidoo kale waxay soo gudbiyeen xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalalka ay Ka howlgalaan. Shirka u qeybsanayaasha ayaa waxaa goobjoog ahaa Waaxyaha Jinsiyadda, Kontoroolka Xuduudaha, Ajaanibta, shaqaalaha, Howlaha, Xiriirka Dibedda iyo Waaxda Baarista Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa u qeybsanayaasha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u sheegay in uu waajib ka saaran yahay ilaalinta shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada ay ka bixiso HSJ safaaradaha dibedda isla markaana lagula xisaabtamayo waajibaadkooda shaqo oo ay u joogaan dalalka ay ka howlgalaan. Ugu dambeyn Agaasime Cabdul ayaa ku howlan dardargelinta adeegyada Hay'addu ka bixiso safaaradaha debadda iyo in laga jawaabo baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku sugan wadamada caalamka.

Top