Shirka isku xirka howlaha Laamaha HSJ oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Shirka isku xirka howlaha Laamaha HSJ oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho


Shirka Sadex biloodlaha ah ee isku xirka howlaha laamaha Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ}, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee {HSJ} Col,Maxamed Aadan Jimcaale {Koofi} oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey ujeedada shirkan, ayaa xusay in Shirkani uu yahay shir sadexdii biloodba mar la qabto islamarkaana diiradda lagu saaro dhageysiga talooyinka Hay’adaha shaqa wadaaga la ah hay’adda, waxqabadka, caqabadaha sedexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo ka doodista qorshaha shaqo ee sadexda bil ee soo socota.

Agaasime Koofi, oo ka hadlayay qorshaha Sedexda bilood ee soo socota ee hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ},  ayaa carabka ku dhuftay in  Hey’adda ay horyaalaan qorshayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin,  dhameystirka iyo qalabeynta xarunta cusub ee HSJ, furista xaafiis cusub oo qaban doona adeegga degdega ah si loo daboolo adeegyada dadka baahiyaha degdega ah qaba, iyo hormarinta habka bixinta dal-kugalka iyo dal-kujoogga.

Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan xijaar, oo furitaanka shirka kalmado kooban ka soojeediyay ayaa ugu horeyn Madaxda Hey’adda uga mahadceliyay wadashaqeynta dhow ee  kala dhexeeya Ciidanka Booliska,  dhanka kalena waxa uu Taliyuhu xusay  in Saraakiisha Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ} ay ku shaqeeyaan duruufo adag marka loo fiiriyo xuduudaha & Garoomada dalkeena iyo tirada shaqaale ee looga baahan karo, ugu dambeyna waxa uu Taliyuhu sheegay in Shirkani uu yahay kulankii 7aad ee uu isagu kala soo qeybgalo Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ}

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md Duraan Axmed Faarax, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Hey’adda Socdaalka & jinsiyadda Soomaaliya kala soo qeybgalo shirkan Sedex biloodlaha ah, isagoo intaa ku daray in Saraakiisha HSJ ay Qaranka Soomaaliyeed u hayaan  howlo muhiim ah si ay wadanka qiimihiisa iyo quruxdiisa u muujiyaan.

Saraakiisha Hey’addu waxey gacana ku hayaan shaqo  soo jiidasho iyo soo dhaweyn fiican leh, gacanta kalena waxey ku hayaan shaqo adag oo ah in aaney dalka soo gelin dad dambiilayaal ah, sidaa waxaa yiri Wasiir Duraan.

Kuxigeenka Guddoomiyaha gobolka Benaadir ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Mudane Cali Cabdi Wardheere ayaa ka hadley shirka, isaga oo bogaadiyey wadashaqeynta hagaagsan ee ka dhaxaysa hay’adda iyo maamulka gobolka, wuxuuna madaxda iyo howlwadeenada hay’adda kula dardaarmey in ay sii hormariyaan hababka wadashaqeynta iyo fududeynta adeegyada.

Sidoo kale shirku intuu socday waxaa hadalo ka soo kala jeediyay Wasiirka Batroolka & Macdanta, Wasiir ku xigeenka Maaliyada Md, Cabdullaahi shiikh Cali Qaloocow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Md, Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Md, Cabdikhadar Maxamed Xasan waxay dhamaantood xuseen in wada shaqeynta HSJ iyo Hey'adaha madaxda ka yihiin ay joogto heerki ugu sareeyay isla markaana ay sii joogteym doonaan wadashaaeynta kala dhaxeysa.

Ugu dambeyn Shirka oo socon doona mudo labo maalmood ah , waxaa gelinkii dambe ee maanta warbixino shaqo looga dhageystay Agaasime waaxeedada HSJ, kuwaas oo markii dambe ka wada dooday shaqooyinka Hey’adda, caqabadaha jira, horumaradii la sameeyay Sadexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo qorshayaasha u degsan Hey’adda ee la doonayo in la fuliyo sadexda bilood ee soo socota.

Top