Shirka Isku Xirka Howlaha Laamaha

Shirka Isku Xirka Howlaha Laamaha

Madaxweyne ku xigeenka dowladd Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay Shirka isku xirka howlaha laamaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ku qabsoomay magaalada Garowe Caasimadda Puntland.

Shirkaan oo sadexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlay howlaha isku xirka Laamaha Hay'adda, wixii qabsoomay, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan, Agaasimaha guud Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ku xigeenada Agaasimaha Guud, madaxda Laamaha Gobolada HSJ, Maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Saraakiisha Amniga ee kala duwan, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka dowladd Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay shaqada ay Hay'ada heyso, waxaana uu tilmaamay inay si dhow u wada shaqeeyaan, loona baahan yahay in ay sii laba jibbaaraan howlaha baaxadda leh ee ay Ummada u hayaan.

Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowladd Goboleedka Puntland ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland iyo Hay'ada Socdaalka ay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan, waxaana uu ku ammaanay shaqada Muhiimka ee ay hayaan, isla markaana Puntland diyaar u tahay in mar walba ay xoojiso arimaha wada shaqaynta ay la leedahay hay'ada Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Top