Shirka 3-billaha ee isku xirka howlaha laamaha HSJ oo lagu soo gabagabeeyay M/ Muqdisho

Shirka 3-billaha ee isku xirka howlaha laamaha HSJ oo lagu soo gabagabeeyay M/ Muqdisho


K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Ibraahim Xuseen Xersi, ayaa soo xiray Shirka Sadex billaha ah ee Isku xirka Howlaha Laamaha HSJ oo manta lagu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho.

Shirka oo socdey labo maalmood ayaa lagu falanqeeyey caqabadaha shaqo ee sedaxda ee la soo dhaafey, waxaana lagu dhageystey talooyinka hay’adaha dowladda ee shaqo wadaaga la ah Hay’adda iyo qeybaha bulshada oo ka qeybgaley shirka. Sidoo kale shirka ayaa lagu go’aaniyey qorshaha hay’adda ee sedaxda bil ee soosocota.

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Col, Cusmaan Xasan Cosoble, oo isna shirka ka hadlay ayaa xusay in qodobada sida weyn looga dooday 2-dii Maalmood ee uu shirku socday ay dhamaantood ahaayeen kuwa waxtar u ah habsami u socoshada shaqooyinka Hey’addu qabato.

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Ibraahim Xuseen Xersi, oo shirka soo xiray, ayaa isna ku amaanay Madaxda laamaha iyo Saraakiisha HSJ, sida wanaagsan oo ay shirka ugu soo bandhigeen warbixinada iyo doodaha waxtarka u leh shaqada, dhanka kalena waxa uu Agaasimuhu dhamaan Saraakiisha Hey’adda ku booriyay sida ay lagama maarmaanka u tahay gudashada waajibaadka shaqada iyo ilaalinta sharciyada dalka iyo kan socdaalka.

Gebagabadii, shirka waxaa laga soo saaray qoraal lagu soo koobay nuxurka iyo waxyaabihii looga wada hadlay mudada 2-da Maalmood ah ee uu socday, kadibna waxaa qaar ka mid Saraakiisha Socdaalka xuduudaha halkaasi lagu gudoonsiisay shahaadooyin iyo Abaalmarino kuwaas oo ay ku muteysteen shaqo wanaag.

Top