Shir ku saabsan Tahriibinta iyoi ka ganacsiga dadka oo lagu qabtay Magaalada Mombasa, Kenya

Shir ku saabsan Tahriibinta iyoi ka ganacsiga dadka oo lagu qabtay Magaalada Mombasa, Kenya


Shir lagu wadaagayay xogaha ku saabsan tabaha ay adeegsadaan kooxaha ka shaqeeya Tahriibinta, ka ganacsiga dadka, qaabka sharcidarada ah ee la iskugu gudbiyo lacagaha iyo waayo aragnimo ku saabsan sida looga hortago fal dambiyeedyada noocaas ah ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaaladda Mombasa ee wadanka kenya.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub ayaa waxaa ka soo qeyb galay wadamada Geeska Africa,sida Somalia, Ethoibia, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Djibouti, Yemen, Kenya, Tanzania iyo Uganda.

Ergadii shirka ku matalaysay Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa waxey goobta ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan Horumarka ay dowladdu ka samaysay dhismaha Maamulka Xadduudaha, wadashaqeynta Hay'addaha Amniga iyo Garsoorka iyo la dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo Tahriibka oo sanadihii ugu dambeeyay horumar la taaban karo laga sameeyey iyo Caqabadaha jira oo ay ugu horeyso wadashaqeyn la'aan dhinaca xadduudaha dalalka deriska ah iyo wadaaga xogta dambiyada isaga gudba xadduudaha.

Ugu dambeyn, Shirkaan oo la isku dhaafsaday xogo muhiim ah ayaa wuxuu ku soo dhamaaday guul waxaana lagu balamay in la xoojiyo wadashaqeynta dhinaca xadduudaha iyo isdhaafsiga xogta dirista lacagaha.

Top