Shir dib u habeyn loogu sameynayay habsami u socodka shaqada Garoonka

Shir dib u habeyn loogu sameynayay habsami u socodka shaqada Garoonka

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa ka qeybgalay Shir dib u habeyn loogu sameynayay habsami u socodka shaqada Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Shirkaan oo muhiimad gaar ah u lahaa Hay'adaha ka howlgala Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka, Maareeyaha Garoonka Aadan Cabdulle, Saraakiisha Amniga Garoonka iyo Shirkadda Favori. Ugu dambeyn, Shirka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga dooday in diyaaradaha ka howlgala Garoonka Aadan Cabdulle loo sameeyo jadwal rasmi ah, kaas oo lagula xisaabtami dooni diyaaraha Caalamiga ah iyo kuwa ka howlgala gudaha dalka si loo xakameeyo saxmadda ka jirto Garoonka Aadan Cabdulle iyo dib u dhaca jadwal ee ku yimaada duulimaadyada ka baxa ama ka soo dago Garoonka

Top