Saraakiisha Laanta 4aad oo loo qabtay Tababarka baarista dukumeentiyada

Saraakiisha Laanta 4aad oo loo qabtay Tababarka baarista dukumeentiyada


Agaasimaha Laanta 4aad ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegaanada Galmudug kana mid Macalimiimta Hay'adda Mudane Maxamed Abdullahi Aadan ayaa Magaalada Cadaado ka Daahfaray tababar oo lagu tababaraayo Saraakiisha Hay'adda Socdalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgala bar-xuduudeedyada iyo Garoomada Laanta 4aad.

Tababarkan oo Noociisu yahay baarista dukumeentiyada safarka, kontorolka Xuduudaha iyo tahriibinta dadka ayaa lagu daahfuray sarakiisha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Degmada Cadaado. Tababarka ayaa waxaa guud ahaan ka faaideysan doono Saraakiisha Laanta 4aad ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Agaasimaha Laanta 4aad isla markaana ah Macalinka bixinyay tababarka ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay ka faaideystaan tababarka si ay gacan uga geystaan horumarinta adeegyada Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Degmada Cadaado.

Top