Munaasabad ku saabsaneyd abaalmarin sanadeedka 2019-2020ka HSJ

Munaasabad ku saabsaneyd abaalmarin sanadeedka 2019-2020ka HSJ


Muqdisho, 22, Janaayo, 2020, Munaasabad ku saabsaneyd abaalmarin sanadeedka 2019-2020ka HSJ, laguna Abaalmarinayay Saraakiisha,Waaxyaha,Xaafiisyada,iyo Laamaha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta lagu qabtay Xarunta dhexe ee Hey'adda ee Magaalada Muqdisho.

Xafladdan Abaalmarin sanadeedka ah oo ay si qurux badan u soo abaabushay Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee HSJ ayaa noqoneysa mid sanadkii 3aad oo xiriir ah loo qabto Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana sanad kasta lagu abaalmariyaa saraakiisha muujisay howlkarnimada, ilaalint shuruucda, iyo joogteynta gudashada waajibaadka shaqo,

Agaasimaha Guud ee HSH Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabada ayaa saraakiisha ku adkeeyay inay wanaajiyaan bixinta adeegaya Hey'adda, xoojinta wadashaqeynta Xafiisyada iyo amaanada,isagoo dhanka kalena si gaar ah u xusay inuu sanadkan guud ahaan Saraakiisha Hey’adda kula dardaarmayo dhowrista Cadaaladda.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa Sidoo kale ku amaanay guud ahaan Saraakiisha Hey’adda shaqooyinka muhiimka ah ee ay u hayaan Qaranka Soomaaliyeed iyo sida ay gutaan waajibaad kooda shaqo, wuxuuna ku tilmaamay ujeedada ugu weyn ee abaalmarin sanadeedka Saraakiisha Hey’adda iney tahay dhiirigalinta shaqaalaha iyo Saraakiisha Hey’adda si uu qof walba u ogaado in dedaalkiisa shaqo birito lagu abaalmarin doono.

“ Marka laga soo tago duruufaha guud ee ka jira dalkeena iyo xaaladaha Amniga, dhinaca kale waxaa jira meelo badan oo uu dalkeenu ka soo hagaagayo sida Dowladnimada, Qaranimada iyo jiritaankeena, waayoo marba hadaad aragto dal ka hadlaya xuduudihiisa taa micnaheedu waxey tahay In dalkaas ay wax badan u qabsoomeen, Anaguna maanta waxa aan ka hadleyno waa ilaalinta xuduudaheena.” Sidaa waxaa yiri Agaasimaha Guud ee HSJ Col Koofi

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud iyo Agaasime K/Xigeenada Hey’adda ayaa xafladda ku gudoonsiiyeen Saraakiisha HSJ ee muteysatay abaalmarin sanadeedka 2019-2020ka Bilado, Shahaadooyin, iyo abaalmarino kale, sidoo kale waxaa iyagana dadaalkii ay muujiyeen sanadkii hore iyo waxqabadkooda shaqo lagu abaalmariyay qaar ka mid ah laamaha Hey'adda ee ka howlgala Gobolada dalka oo munaasabada goobjoog ka ahaa.
#HSJMUQDISHO

Top