Ku xigeenada Agaasimaha Guud ayaa u soo xiray Saraakiisha ka howlhasha Xuduudaha tababar ku saabsan

Ku xigeenada Agaasimaha Guud ayaa u soo xiray Saraakiisha ka howlhasha Xuduudaha tababar ku saabsan

Muqdisho, 26, December, 2019, K/xigeenada Agaasimaha Guud ee {HSJ} Col, Cusmaan Xasan Cosoble iyo Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa u soo xiray tababar mudo 3-maalmood ah uga socday M/Muqdisho qaar ka mid ah Saraakiisha ka howlgasha xuduudaha dhulka,Dekedaha iyo garoomada diyaaradaha dalka.

Tababarkan oo ku saabsanaa keydinta xogta iyo diyaarinta warbixinada, ayaa xubno ka mid ah Saraakiisha tababarka la siinayay oo munaasabadda ka hadlay waxa ay sheegeen In mudadii ay ku guda jireen tababarkan ay ka faa’ideen labo qodob oo muhiim u ahaa shaqadooda oo kala ah (Q1aad)-isbarasho dhexdooda ah maadaama ay kala yimaadeen goobo kala duwan iyo (Q2aad) oo ah Aqoon iyo waayo aragnimo ay ka heleen casharadii ay ku qaateen tababarka.

K/xigeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa u sheegay saraakiisha in ay ilaaliyaan sharafta Hey'adda isla markaana ay dhaqan wanaagsan ku qaabilaan dadka socotada ah ee ka soo galaya Xuduudaha dalka, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in aqoonta ay ka kororsadeen mudadii 3-da Maalmood aheyd ee ay ku guda jireen tababarka ay ku dabaqaan shaqooyinka ay ka kala hayaan Xuduudaha dhulka iyo garoomada dalka.

Ugu dambeyn, K/xigeenka Agaasimaha Guud Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababarka soo xiray ayaa saraakiisha ku booriyay in ay xafidaan xogta Hey'adda iyo dukumeentiyada dadka socotada ah, gebagabadiina waxaa halkaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Saraakiisha tababarka loo soo xirayay. #HSJMUQDISHO

Top