Kormeer u ku Agaasimaha Guud dhismaha Xarunta Dhexe HSJ

Kormeer u ku Agaasimaha Guud dhismaha Xarunta Dhexe HSJ

Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa kormeer ku tagay dhismaha Xarunta dhexe ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo dhismaheedu meel gabbagaba ah marayo. Kormeerka Agaasimaha ayaa wuxuu ku mariyay qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha xarunta dhexe iyadoo Injiyeerada dhismaha hirgelinayay ay Agaasimaha Guud ku soo wareejiyeen Xafiisyada uu ka koobanyahay dhismahaan. Kormeerka Agaasimaha ee dhismaha xarunta dhexe ayaa waxaa ku wehlinaayay Lataliyaha sare ee Hey'adda Md, Mahad Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Howlaha ee HSJ Md, Cusmaan Shiikh Xuseen. Agaasimaha Guud ayaa Injiyeerada uga mahadceliyay fulinta dhismahaan qururxda badan sidoo kalana kula dardaarmay in dhismaha inta ka dhiman ay soo gabagabeeyaan. Ugu dambeyn dhismaha Xarunta dhexe ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si casri ah loo dhisay ayaa ka jawaabaya dadka baahiyaha gaarka ah qabo oo loo sameeyay Irdo ay ka soo galaan oo ayga u gaar ah si aysan ugu dhibtoon soo gelidda irdaha Xarunta dhexe ee HSJ.

Top