K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo Tababar u furay Saraakiisha ka howlg

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo Tababar u furay Saraakiisha ka howlg


K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Cusmaan Xasan Cosoble ayaa tababar uga furay Magaalada Muqdisho Saraakiisha Hey'adda ee ka howlgalo Safaaradda soomaaliya ee Kenya.

Tababarka oo socon doono mudo laba maalin ah ayaa wuxuu isugu jiraa laba nuuc oo kala ah Baarista Dukumeentiyada safarka iyo Daryeelka Bulshada loo adeegaayo.

Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa soo qaban qaabisay Tababarkaan isla markaana sheegtay in ay kor u qaadeyso aqoonta Saraakiisha oo in muddaaba ku maqnaayeen howlgalka Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Cusmaan Xasan Cosoble ayaa Saraakiisha la wadaagay ujeedada tababarkaan laga leeyahay taas oo ah in Hey'addu ay kor u qaado aqoonta iyo Xirfadda Saraakiisheeda ka howlgalo Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dibedda. Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud ayaa ku wacyi-geliyay muhiimadda ay leedahay in dalka la jeclaado isla markaana ay tahay wajib diini ah.

Top