K/xigeenka Agaasimaha Guud Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababar usoo xiray qeyb kamid ah Saraakiish

K/xigeenka Agaasimaha Guud Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababar usoo xiray qeyb kamid ah Saraakiish


Muqdisho, 15, Maarso, 2020, K/xigeenka Agaasimaha Guud Col, Cusmaan Xasan Cosoble ayaa soo xiray tababar sare loogu qaadayay aqoonta Saraakiisha ka howlgasha Waaxyaha Maaliyadda iyo Shaqaalaha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda {HSJ} oo lagu qabtay M/Muqdisho.

Tababarkan oo socday mudo 4 bilood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hey'adda Socdaalka aduunka (IOM) si loo hormariyo saraakiisha Waaxyaha Maaliyada iyo Shaqaalaha. Sidoo kale saraakiisha ayaa loo tababaray sida ay ugu dul shaqeyn lahaayeen Habraacyada u dagsan shaqadooda maalinlaha ah. Dhanka kale Saraakiisha tababaarka qaatay ayaa iyagana xusay in ay fursad weyn u aheyd ka qeybqaadashada tababarkan iyo in ay uga faaideysteen mudadii uu u socday.

Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud Col' Cusmaan Xasan Cosoble ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hey'adda Socdaalka Aduunka (IOM) qabashada tababarkan socday mudada 4-ta bilood ah, isla markaana waxa uu ku booriyay inay sii wadaan tababarada nuucaan oo kale ah, sidoo kale K/xigeenka Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha qaadatay tababarka kula dardaarmay inay ilaaliyaan habraacayada shaqada u degsan.isagoo gebagebadiina Saraakiisha HSJ ee qaadatay tababarka halkaas ku gudoonsiiyay Shahaadooyin cadeyn u ah ka qeybgalka Tababarkan.

Xafiiska Warfaafinta HSJ

Top