K/xigeeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo kormeer shaqo ku tagay Bar-xuduudeedka

K/xigeeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo kormeer shaqo ku tagay Bar-xuduudeedka


Muqdisho, 22, April, 2020, K/xigeeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Bar-xuduudeedyada Buuhoodle iyo Tuurdibi.

Kormeerka oo uu ku wehliyo K/xigeenka Agaasimaha Laanta 6aad ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loo xaqiijin lahaa badqabka Shaqaalaha ka howlgalo Bar-xuduudeedyada Buuhoodle iyo Tuurdibi. Sidoo kale kormeerka ayaa lagu xaqiijinaayay in ay xiranyihiin xuduudaha maadaama ay dowladdu xirtay guud ahaan Xuduudaha Dalka sababa la xiriira cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Saraakiisha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Bar-xuduudeedkaasi ayaa la siiyay wacyi-gelin ku aadan sidii ay uga gaashaaman lahaayeen cudurka safmarka ah COVID-19 isla markaana ay u xaqiijin lahaayeen inaysan cidi kasoo gudbin Bar-xuduudeedyada ay ka howlgalaan.

Xafiiska Warfaafinta HSJ

Top