K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ, Col, Abdifitah Ibraahim Omar (Shaaweeye),

K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ, Col, Abdifitah Ibraahim Omar (Shaaweeye),

K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ, Col, Abdifitah Ibraahim Omar (Shaaweeye), ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay wadanka Kenya oo dhawaan dib loo furey. Agaasime K/Xigeenka HSJ Col Abdifitah Shaaweeye oo uu kormeerkiisa shaqo ku wehliyey Agaasimaha Waaxda Ajaanibta ee HSJ Md Cabdiraxmaan Caadle, ayaa waxaa Safaaradda si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Neyroobi Md Cumar Xuseen Cali iyo Madaxa xaafiiska HSJ ee Safaaradda Md Xasan Nuur Xasan, kuwaas oo uga warbixiyey xaaladihii ay Safaaraddu soo martay mudadii ay xirneyd iyo marka hada dib loo furay howlaha shaqo ee horyaala. Ugu dambeyn, K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ, Col Abdifitah Shaaweeye, ayaa Saraakiisha Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda ee ka howlgasha xaafiiska bixinta baasaboorka ee Safaaradda kula dardaarmay iney si hufan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee baahida weyn u qaba adeega Hey’addu bixiso, islamarkaana ay u diyaar garoobaan sidii loo daboooli lahaa culeysyada faraha badan ee horyaala xaafiiska bixinta baasaboorada ee Safaaradda.

Top