Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Maaliyadda i

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Maaliyadda i

Muqdisho, 23, Febraayo, 2020, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray xarun 2aad oo ay Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ka furtay Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir. Ugu horeyn Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadam Jimcaale {Koofi} ayaa ka warbixiyay sababta xarunta cusub ay Hey’addu uga furtay degmada C/Casiis, wuxuuna sheegay in furitaanka xaruntan ay ku timid dalab ka yimid dadweynaha ku nool Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Sidoo kale Agaasimahu waxa uu xusay in furitaanka xaruntaan ay iska kaashadeen Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Wasaaradda Maaliyadda, ka dib markii ay dhismahaan oo ay Hey’addu ku shaqeyn doonto ay ugu deeqday Wasaaradda Kaluumeysiga ee XFS. Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa ku nuux nuuxsaday in xaruntan laga furay Degmada C/Casiis ay u shaqeyn doonto 8- degmo oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhaca bariga iyo Waqooyiga Gobolka Banaadir, wuxuuna intaas ku daray Agaasimuhu in dadka ku nool degmooyin kaani aysan hada ka dib safar dheer u gali doonin adeegga Baasaboorka, maadaama ay Hey'addu xaruntan cusub ku diyaarisay Saraakiil tababaran iyo qalab dhameystiran oo ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo.

Top