Dowladda Denmarka iyo UNOPS oo kormeer ku tageen Xarunta dhexe ee HSJ

Dowladda Denmarka iyo UNOPS oo kormeer ku tageen Xarunta dhexe ee HSJ


Dowladda Denmarka iyo Hay'adda UNOPs ayaa kormeer ku yimaadeen dhismaha Xarunta dhexe ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Lataliyaha sare ee HSJ Mudane Mahad Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Howlaha Mudane Cusmaan shiikh Xuseen ayaa ku wehlinaayay kormeerkaan oo lagu qiimeynayay in dhismaha Xarunta dhexe ee HSJ uu yahay mid gaaray heerki la rabay. Dowladda Denmarka ayaa aheyd deeq bixiya ugu weynaa ee ku taageeray deeqda lagu dhisaya Xarunta dhexe ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa bogaadiyay booqashada Dowladda Denmark isla markaana uga mahadceliyay taageerada buuxda oo ay ka geysteen dhismaha Xarunta dhexe ee HSJ.

Top