Dib u furidda Socdaalka Dibedda

Dib u furidda Socdaalka Dibedda


Sida ku cad go'aanka Golaha Wasiirada XFS ee soo baxay Khamiis July 30, 2020, laga bilaabo Maalinimada Isniinta ah August 03, 2020 waxaa dib u bilaabanaya socdaalka dibadda, sidoo kale waxaa si caadi ah u howl bilaabi doona dhammaan Bar-xuduudedyada rasmiga ah ee socdaalka dalka.

Socdaale kasta oo dalka soo galaya waxaa laga doonayaa in uu heysto Shahaadada caddeyneysa in uusan qabin Caabuqa COVID19 uuna qaatey ugu badnaan 72 saacadood ka hor safarka (COVID19 negative Certificate) sida ay fareyso siyaasadda ka hortagga Caabuqa Karoonaha ee dalka.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay ka codsaneysa kuna adkeyneysaa Wakiilada Safarada iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan (Cirka, Dhulka iyo Badda) in ay ilaaliyaan isla markaana ku wargeliyaan macaamiishooda Siyaasadda cusub ee ka hortagga Caabuqa COVID19 oo qasab ka
dhigeysa Shahaadada Caafimaadka.
WABILAAHI TOWFIIQ/=

Top