Cusmaan Xasan Cosoble K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ

Cusmaan Xasan Cosoble K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ

Muqdisho, 11, August, 2020, K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Cusmaan Xasan Cosoble ayaa tababar ku saabsan daryeelka adeegga dadweynaha uga furay saraakiisha Hey'adda Socdaalka iyo jinsiyadda. Tababarkaan oo sare loogu qaadayo xirfadda saraakiisha Hey'adda gaar ahaan kuwa ka howlgala Garoonka Aadan Cabdule iyo Xafiisyada Baasaboor bixinta ee Muqdisho ayaa socon doono mudo laba maalin ah, tababarkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Tababarada ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Cusmaan Xasan Cosoble ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay ka faaideystaan maalmaha uu socdo tababarka, isla markaana cilmiga ay bartaan in ay kula noqdaan shaqada taas oo wax badan ka badeli doonto habka shaqada. HSJ

Top