Agaasime K/xigeenka HSJ Md Mohammed Weli

Agaasime K/xigeenka HSJ Md Mohammed Weli

Agaasime K/xigeenka HSJ Md Mohammed Weli, ayaa soo xiray shirka isku xirka howlaha laamaaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) kaas oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah islamarkaana ah shir 3-dii biloodba mar la qabto, ayaa mudadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray wax qabadka iyo dhaliilaha sadexdii bilood ee la soo dhaafay, caqabada shaqo ee lala kulmay iyo qorshaha 3-da bilood ee soo socota,waxaana mudadii uu shirku socday ay Saraakiisha Hey’addu halkaas ku soo bandhigeen fikrado iyo doodo waxtar u ah shaqada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.(HSJ) Agaasime K/Xigeenka HSJ Col, Cismaan Xasan Cosoble, oo hadalo kooban shirka ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay Madaxda heer Maamul goboleed ee Galmudug iyo kuwa caasimadda Dhuusamareeb sidii wanaagsaneyd ee saraakiisha HSJ loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo sidii loogu gacan siiyay qabsoomida shirkooda, Ugu dambeyn, Agaasime K/Xigeen Maxamed Weli, oo shirka soo xiray ayaa waxa uu Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ} kula dardaarmay in la dardar geliyo shaqada iyo adeegyada ay bulshada Hey’addu u qabato maadaama laga soo baxay cudurka Covid-19, Iyo in la fuliyo laguna howlgalo dhamaan awaamiirta shaqo ee ka soo baxay shirka kuwaas oo leyskula xisaabtami doono shirka soo socda hadii Alla idmo. Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta booqday Bar-xuudeedka Qeydar ee Gobolka Galguduud, isaga oo kulamo kula yeeshay dadka deegaanka, ugu dambeyn Agaasimaha Guud ayaa waxa uu kormeer ku sameeyay Dhismaha Bar-xuudeedka Qeydar oo haatan maraya heer gabogabo ah loona dhisayo hab casri ah isla markaana lagu qalabeyn doono dhamaan adeegyada Socdaalka. Agaasimaha Guud oo safar dhulka ah uga amba baxay Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Socdaalkiisa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Boliiska Galmudug Gen, Bishaar Abshir Geeddi, K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed,Gudoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Faarax Cabdi Macalim iyo saraakiil kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Top