Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Md Cabdirisaaq Maxamed Xuseen ayaa u soo xiray Tababar u socday Saraakiisha HSJ Laanta 6aad iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Puntland. Tababarka oo ku saabsanaa ka hortaga Cudurka safmarka ah ee CoronaVirus iyo Maamulka xuduudaha xiliga ay jiraan dhibaatooyinka ayaa ujeedadiisu waxay aheyd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo Xirfadda Saraakiisha safka hore ee ka howlgala Garoomada Diyaaradaha Puntland. Tababarkaan oo socday mudo 4 maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee HSJ, oo dhanka fududeynta iyo bixinta casharada tababarkaba la kaashatay Hey'adda Socdaalka Qaramada midoobay (IOM) Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo shaqaalaha ee HSJ ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay kula noqdaan aqoonta ay ku barteen Tababarka Xafiisyada ay ka kala shaqeeyaan, dhanka kalena waxa uu u rajeeyey inay wax badan ka badali doonaan habka ay iminka u shaqeeyaan. Saraakiisha ka qeybqaadatay tababarkan ayaa la gudoonsiiyay Shahaado ka marqaati kaceysa Cilmiga ay barteen afartii maalmood ee uu Tababarku u socday. Ugu dambeyn Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee HSJ Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xuseen ayaa kormeeray Xafiisyada Shaqada iyo Shaqaalaha Laanta 6aad isagoo u kuur galaayay habka ay shaqada Xarunta Laanta 6aad u socoto. #HSJ

Top