Agaasimaha Guud ee HSJ oo Kormeer shaqo ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Neyroobi

Agaasimaha Guud ee HSJ oo Kormeer shaqo ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Neyroobi


Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo safar shaqo ku joogay Magaalada Neyroobi ayaa kormeer ku tagay Safaaradda Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya.

U qeybsanayaasha Safaaradda ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa ku soo dhaweeyeen Xafiisyada adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka isla markaana Agaasimaha Guud uga warbixiyeen adeegyada ay siiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Ugu dambeyn Agaasime Guud ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ka howlgala safaaradda isagoo kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeegaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Kenya, isla markaana ay ilaaliyaan Shuruucda iyo Habraacyada lagu bixiyo adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka.

Top