Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) ayaa maanta kormeeray Dhismaha xarunta dh

Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) ayaa maanta kormeeray Dhismaha xarunta dh


Muqdisho, 02, Febraayo, 2020, Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha ka socda Xarunta dhexe ee Hey'adda ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Agaasimaha Guud ayaa markii uu soo kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha waxa uu kulan xog wareysi ah la qaatay Shirkadda iyo Injineerada gacanta ku haayo dhismaha, iyaga oo uga warbixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray Dhismaha Xarunta dhexe ee Hey'adda iyo meesha uu hada maraayo.

Dhismahaan oo ka kooban 4 dabaq ayaa marka uu soo idlaado January 2021-da, waxa uu noqon doonaa mid rumeeyay riyadii aheyd in ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu yeelato dhismo iyada ugaar ah oo ay leedahay oo loogu adeego Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hirgalinta dhismahan oo ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka taageerayaan wadamada Norway,Finland ,Denmark,iyo UK, ayaa ah mid ku yimid dedaal dheeriya oo ay muujiyeen hogaanka sare ee HSJ, iyaga oo kaashanaya Madaxda sare ee Dowlada Federaalka iyo Wasaaradda Amniga Gudaha oo iyadu ah mid had iyo goor la garab taagan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed fududeynta howlaheeda shaqo.

Ugu dambeyn Kormeerka Agaasimaha Guud ee dhismaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa Agaasimaha Guud ku wehlinayay Kuxigeenada Agaasimaha Guud iyo La-taliya sare ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.(HSJ).

Top