Agaasimaha Guud ee HSJ

Agaasimaha Guud ee HSJ

Muqdisho, 18, December, 2019, Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Ambassador, Xamuud Sumran Al-Xuweydi.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisey wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya gaar ahaan Waaxda Xariirka Carabta ayaa Ujeedkiisu ahaa isbarasho, Xoojinta xiriirka, wadashaqeyta, iyo fududenyta isku-socodka dadka ee dalalka xubinta ka ah Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay iyadoo la maraayo golaha Iskaashiga arimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale kulanka Agaasimaha Guud iyo Safiirka ayaa lagu soo hadal qaaday sidii loo gacan qaban lahaa qaxootiga wadamada Carbeed ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Agaasimaha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday hormarada ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda sanadihii lasoo dhaafay isagoo Safiirka bogaadiyay isla markaana sheegey in hormarkaasi uu yahay mid muuqdo oo ay dhamaan wadamada Jaamacadda Carabta iyo Wadamada dariska ah dareemeen.

Ugu dambeyn , Safiirka ayaa balan qaaday in ay Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan oo ay kamid tahay Xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta.

Top